Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa uu leeyahay labo Gole kuwaa oo kala ah:

  1. Golaha Shacabka;iyo
  2. Aqalka Sare.

Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxay masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan cutubka 6aad ee Dastuurkan oo ku saabsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 71aad ee Dastuurka waxaa uu dhirindhiranayaa awaadaha sharcidajin ee Aqalka Sare. Qodobka 71aad ee Dastuurka ayaa u qormaya sida tan:

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:

  1. Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
  2. Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83; 22 Dastuurka Ku-Meel gaarka
  3. Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;
  4. Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;
  5. Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;
  6. Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;
  7. Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;
  8. Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;
  9. Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:
  1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
  2. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
  3. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
  4. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; (v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Sidoo kale qodobka 72aad ee Dastuurka ayaa xeerinaya tirada Xubnaha Aqalka sare, taas oo ah ugu badnaan 54 Xubnood, Qodobkan ayaa u qormaya sida tan:

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan konton iyo afar (54) Xildhibaan oo ka imaanaya toban iyo sideed (18) gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, iyada oo saldhig looga dhigayo:

  1. Tirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;
  2. Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah;
  3. Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu
SN Deegaan Doorasho Tirada Xubnaha Aqalka Sare
1 Gobolada Waqooyi 11
2 Puntland 11
3 Koonfur Galbeed 8
4 Galmudug 8
5 Jubaland 8
6 Hirshabelle 8
Wadarta Guud ee Xubnaha 54