Print this page

Awooda Sharcidajinta Baarlamaanka

April 19, 2018 5114

Qodobka 63aad. Awoodaha Xeer-dejinta Golaha Shacabka

Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah:

  1. Ka-qaybgalka wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
  2. Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad;
  3. Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka;
  4. U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax ka beddelidda Dastuurka.