Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

 

Muqdisho:Waxaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho kulan dhageysi dadweyne oo ku saabsan hindise sharciyeedka Maareeynta Maaliyadda Soomaaliya (PFM) Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Maaliayadda ee Golaha Shacabka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Furay Kulanka,Waxa uuna sheegay in kulamadaan oo kale ay shacabka fursad usiinayaan in ay waxbadan ka ogaadaan Sharciyadda iyo howlaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Dalka.

Dhinaca Kale Wasiir Bayle ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay hufnaanta iyo hagaajinta Hanaanka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya. Kulanka Dhageysi dadweynaha ayaa waxaaka qeybgalay sidoo kale hanta dhowraha qaranka,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda,Ururada Bulshada,khubaro dhanka Maaliyada & dhaqaalaha ah iyo Aqoonyahano.

 

wasiirka maaliyadda
wasiirka maaliyadda
dadweynaha dhageystayaasha
dadweynaha dhageystayaasha1
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya