Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Muqisho:

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta la kulmay qaar ka mid ah guddiyada joogtada ee golaha shacabka.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta guddoonka iyo guddiyada joogtada ee Villa Hargeysa.

Guddiyada uu la kulmay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ah guddiga difaaca ee golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta.

Waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleyn sidii loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ee golaha horyaalla iyo sidii hala dhinac loogu noqon lahaa hormarinta golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka guddiyada iyo howlaha hada horyaalla ka dhageystay masuuliyiinta guddiyada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa wasaaraha ay shaqo wadaagayihiin.

Dhanka kale waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha Xarunta KMG ee golaha shacabka uu ku sii shaqeynayo inta laga dhisayo Xarunta weyn ee golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa si rasmi ah u daah furay dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka ku sii shaqeynayo.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaa dhismaha.

Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxa ayna noqoneysaa xarunta KMG ee golaha shacabka.

Marka la dhameeyo dhismaha xaruntan ayaa Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay usoo wareegayaan xaruntan waxaana dhismo lagu bilaabaya xarunta weyn ee golaha shacabka.

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha ayaa Soo saaray Jadwal Howleedka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Kulan ay isugu yimadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha oo shir gudoominayey Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxa ay soo saaren jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo shuruudaha laga rabo Murashixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha.

Sida ku cad jaantuska hoos ku Xusan:

waa jadwalka doorashada guddomiyaha
jadwalka doorashada guddomiyaha
Muqdisho:Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa doortay Guddoonkooda Cusub. Kulankii ugu horeeyey ay isku imaadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay kasoo qeybgaleen sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Intaas kadib waxaa la guda galay codeynta guddoonka waxaana loo doortay xubnaha soo socdo: Guddoomiyaha Guddiga Xil.Nuur Iidow Beyle sidoo kale waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xil. Sahro Cabdulqaadir Cabduraxmaan Xoghaya guddigana waxaa loo doortay Xil. Xasan Cali Maxamed (Amardambe). Intaas kadib kulankii waxaa soo xiray sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wuxuuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga iyo Guddoonkooda inay dardargeliyaan Howlaha Horyaala.

Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka JFS oo uu wehliyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa Maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dawlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xassan Cawaale Qeyb-diid oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay ayaa sheegay Muhiimada Guddiga ay u leedahay Kulamada Noocaan oo kale ah. Guddoomiye qeybdiid ayaa ka qeybgalyaasha kulanka kula dardaarmay in ay talo iyo tusaale ku yeeshaan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Masuuliyiin dhowr ah oo kulanka ka qeybagalaya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar. Ugu danbayntii Guddiga Dastuurka ayaa inta uu joogo Magaalada Jowhar ayaa waxa uu kulamo la yeelan doono Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada

 

Qodobka 60aad ee xeer hoosaadka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu sheegayaa, Si loo helo warbixino la xiriira arrinta guddigu ka doodayo, guddigu waxaa uu qaban karaa kulamo furan oo ay dhageysanayaan khabiiro, wakiillo ka socda ururarada bulshada rayid ka ah, iyo shaqsiyaad kale ee keeni kara warbixino Muhiim ah.

Sidaas darteed Guddiga Xaquul insaanka, Haweenka & Arimaha bani’aadamka ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la yeeshay kulan dhageysi Dadweyne ah qeybaha kala duwan ee Ururka Naaafada Soomaaliyeed si uu u helo warbixino, taalooyin iyo baahida ay qabaan dadka naafada ah.

  1. Xubnaha Guddiga Xuquuqul insaaanka: furitaankii kulanka dhageysiga dadweynaha.

 Mawduuca Dhegeysiga

Saacadu markii ahayd 11:00AM, kualanka waxa furay Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul insanka,Haweenka & Arimaha bani’aadamka ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana ka hadlay dhamaan qeybaha kala duwan ee Ururka Naafada Soomaliya. Cali Cabdullaahi Salaada ayaa ku hadlay magaca Golaha Naafada Soomaaliya waxa usoo jeediayay in la helo sharci u gaar ah Ururka Naafada Soomaaliyeed iyo in aan helno xaquuqo dadka naafada Soomaliya dhinaca shaqada,waxbarshada.siyaasada,iyo wado marista oo ay dhib badan ku qabaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Avv.Cabdifitaax Maxamed Daahir oo ka mid Mu,asasada Daryeelka Naafada waxa uu sheegay in dadka naafada ay yihiin dad wax bartay lehna xuquuq iyo waajibaad lamid ah muwaadiniin kale sida ay xaq ugu leeyihiin shaqo, waxbarasho iyo ka qeyb galka siyaasadda dalka

Soo jeedinta Ururka Naafada Soomaaliyeed:
 In lagu daro Dastuurka Federaal Soomaaliya Qodobo si cad u tilmaamaya xaquuqda ay leeyihiin dadka naafada ee Soomaaliyeed.Ø

  •  In aan helno waxbarasho leh iyo ku hanboonaan dadka leh baahiyha gaarka ah.
  •  In aan helno shaqada dowladda ay tixgalin siiso fursadaha ay ku heli karaan shaqo dadka leh baahiyaha gaar ah
  •  In aan ka qeybgalno Siyaasadda iyo shaqada Hay,adaha Dowladda.
  •  In aan helno matalaad Gudiyadda madaxabanaan ee Dastuuriga ah iyo sidoo kale Guddiyada dib u eegista Dasruurka.
  •  wado marista oo ay dhib badan ku qabno waa in la hagajiyo.
  •  Iyo in la helo Sharci u gaar ah Dad naafada Soomaaliyeed iyo Ururada Naafada Somaaliyeed

 Natiijooyinka

  1.  In kulamada noocan ah la badiyo.
  2.  In Guddiga Xaquuqul Insaanka kula xisaabtamo hay’ddaha shaqada ku leh aarimaha naafada si ay dadka naafada ha xuqquuqdoo u heli la hayeen.
  3.  In Guddiga xaquuqul insaanka xooga saaro sidii qoddobo si cad u sheegayØa xuquuqda naafada lagu daro dastuurka somaaliya.
  4. In guddiga xuquuqul insaanka curiyo hindise sharciyeed lagu abuurayo hay’adda naafada somaaliyeed si aan u helo sharci iyo hay’ad aan leennahay kulana xisaabtamikaro xukuumadda
Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka
Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka
Dhageysi dadweyne ee Guddiga Xuquuqul insaanka
Dhageysi  Dadweyne ee Guddigaa
Guddoomiyaha Guddiga
Guddoomiyaha Guddiga

 

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya