Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Muqdisho, December 30, 2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa baaq u diray Soomaaliland isagoo sheegay in ay joojiyaan xaalada kacsan ee ka taagan magalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
 
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Shacabka reer Laascaanood uga tacsiyeeyay qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada dadkii ku geeriyoodeeday dibad-baxyadii ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan iyo marxalado colaadeed oo kala gedisan ay soo mareen, maantana aan loo baahnayn in dib loogu laabto dhibaatooyinkaas. Sidoo kale waxaa uu ku baaqay Guddoomiyaha in la ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda deegaanka.
 
DHAMMAAD
Muqdisho, December 31,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 6-aad ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlaayay dhammeystirka dooda Xeer-hoosaadka iyo ansixinta, akhrinta hindise sharciyeedka nidaamka maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa ah iyo xildhibaannada oo ka hadlay arinta Laascaanood.
 
Xildhibaan Golaha Shacabka oo marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday rabshadaha ka socda magalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxay ku tilmaameen in shaqaaqooyinkaasi ay yihiin kuwo keeni kara nabad gelyo xumo iyo barakac xoog leh iyagoo Soomaaliliand ugu baaqay in ay xaliyaan xaalada deegaanka.
 
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 143 xildhibaan ayaa looga dooday Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo maray akhrintiisa sadexaad, guddiga Xeer-hoosaadka oo warbxin guud ka siiyay xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu yahay hagaha iyo ilaaliyaha anshaxa iyo xasaannadda mudaneyaasha Golaha Shacabka.
 
Dhanka kale Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo keentay Hindisa Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Kheyraadka dhulka hoostiisa ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS. Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayuu Xildhibaannadda u faahfaahiyay sharcigan oo ka kooban 37-qodob ayuu dul istaagay muhiimadda uu leeyahay hadii la ansixiyo uu dalka awood u yeelan karo in uu horumaro nidaamka maaliyadeed, dadkana uu heli karo maalgashi caalami ah iyo inuu dalka helo canshuur dowladda ay kaga maarmi karto deymaha. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa xildhibaannadda u sheegay in la isku soo noqon doono markale si looga doodo sharcigan.
 
Ugu danbaytii Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa meelmariyay Xeer-hoosaadka Golaha waxaana ogolaaday 136 mudane waxaa diiday 5 halka ay ka aamuseen 2 mudane, Intaas kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa kulanka soo xiray .
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, Diseembar 29,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1-aad wadajirka ah ee aan caadiga aheyn oo ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay isla-markaana ku soo dhaweeyay Baarlamaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo labo maalin oo booqasho uu ku joogo dalka, isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay aad uga faraxsan yihiin isla-markaana kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay dib u dhiska dowladnimadda Soomaaliya.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti oo hadal ka jeediyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee labadiisa aqal ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka walaaha ah ee reer Jabuuti ay taageereyso dagaalka dalka looga xorreeynaayo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab oo dalka iyo shacabka Soomaaliyeed dhibaato ba'an ku haaya kaalin buuxdana ka qaadan doonaan la dagaalanka argagaxisada.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, December 28,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 4-aad ee wadajirka ah ee Baarlamaanka 11-aad JFS.
 
Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoonka labada aqal iyo ku-xigeennadooda ayuu ajandahu ahaa akhrinta sedexaad iyo ansixinta miisaaniyadda 2023-ka. Wadarta guud ee Miisaaniyadda sanadkan oo gaartay $973,985,805. Miisaaniyadda sanadkan oo loo kordhiyay xarumaha danta guud sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo hay’adaha amniga ee dalka. Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 172 Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyeen miisaaniyadda waxaa diiday 0 waxaa na ka aamusay 1 Mudane.
 
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xildhibaannadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyadda sanadka 2023-ka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in miisaaniyadda sanadkan ay ansax tahay isagoo guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal, guddiyadda maaliyadda ee Baarlamaanka ayuu uga mahadceliyay dadaalkii dheeraa ay soo geliyeen isla-markaana ay ku bixiyeen juhdi iyo wakhti badan si dadka iyo dalka loogu adeego.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, December 27,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharraxiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
 
Musharraxiinta Koonfur galbeed iyo Guddoomiyaha ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed si loo helo midnimo isla-markaana la iska kaashado sidii loo sii amba qaadi lahaa dib u xorreynta deegaanada ay ku suganyihiin kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa boggaadiyay dadaalada lagu doonaayo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay isagoo sheegay in muhiim ay tahay midnimada iyo jiritaanka reer Koonfur Galbeed lana xoojiyo kacdoonka dadweynaha ee dalka looga xorreeynaayo argagaxisada.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Guddiga Kheyraadka Dabiiciga & Bii’ada ee Golaha Shacabka BJFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta xil. Cabdirasaaq Cumar Maxamed iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xil. Cabdiwahaab Cabdi Cumar .
 
Kulanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Xil. Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid ayaa wasiirada looga dhageystay war bixinno ku saabsan Howlaha iyo Heshiisyada batroolka ee la galay, su’aalana laga weydiiyay.
kulanka oo ku soo dhamaaday is fahan ayaa lagu kala qaatay waajibaad Ballaaran.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho,December 26,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo uu weheliyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi Ajandaha kulanka ayaa ahaa akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda 2023-ka.
 
Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka. Waxaa xildhibaanadu ay su'aalooyin weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoona faahfaahin ka bixiyay dhammaan weeydiimihii loo soo jeediyey.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka isagoo sheegay in dib loogu celin doono Guddiga Miisaaniyadda labada Aqal iyo Wasaaradda Maaliyada si loo tixgeliyo soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, December 22,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.
 
Kulanka oo looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Marwo Anita Kiki waxay si buuxda u taageertay dadaalada uu hormuud-ka u yahay Guddoomiyaha, muujisayna inay tahay wadada ugu wanaagsan ee xalka uu kujiro si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada argagaxisada go'doomiyeen si loo gaarsiiyo gargaar bini'aadantinimo. Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Khawaariijta Al-Shabaab. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, December 21,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Gargaarka Soomaaliya Amb. Adam Abdelmoula.
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ergeyga la wadaagay warbixin ku saabsan booqashooyinkii uu ku tagay magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ka jiraan xaalado cakiran oo bulshada deegaanka ka haysta dhinaca nolosha. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Gargaarka ayuu Gudoomiyuhu ku booriyay in deegaannadaas la tago si wax loogu qabto dadka ay abaartu saameysay.
 
Danjire Adam Abdelmoula oo dhankiisa soo dhoweeyay goobaha uu tagay Guddoomiyaha ayaa sheegay meelo badan oo Soomaaliya inay xaaladdeeda ay liidato, sidoo kale waxaa uu xusay in gargaarka bini'aadantinimo aad loo xoojin doono iyo kor joogteeynta si looga hortago dhibaatooyin kale oo hor leh.
 
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhiirageliyay talaabo kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo ayaa adkeeyay in waqti lagu bixiyo goobaha laga xorreeyay Khawaariijta iyo deegaannada ay go'doomiyeen.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Muqdisho, December 21,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 5-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka dooda Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.
 
Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in ajandaha lagu daro ka doodista amniga isla-markaana loo yeero wasiiradda Gaashandhiga iyo Amniga Gudaha si wax looga weydiiyo halka ay mareeyso dagaalka kooxda Khawaariijta. Xubno ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa iyagana soo jeediyay in ka guddi ahaan ay ka shiraan. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa soo jeediyay in guddiga ay soo shiraan isla-markaana go'aan mideysan uso gudbiyaan Golaha.
 
Dhanka kale xildhibaannadda ayaa dood adag ka yeeshay Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ay Guddiga Xeer-hoosaadka soo gudbiyeen qodobo dhowr ah kuwo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo loo balamay in kulamada soo socda lagu dhameystiri doono dooda Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.
 
DHAMMAAD
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya