Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MAANTA SOO XIRAY KALFADHIGA 1AAD EE GOLAHA SHACABKA IYO GUDDIGA KOR JOOGTEYNTA DIB U-EEGISTA DASTUURKA OO LA DOORTAY. Muqdisho Ogoosto 25,2022: Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1aad kulankiisa 16aad, tirada guud ee xildhibaaannadda soo xaadirtay kulanka ayaa ahaa 179 mudane. Guddi ka kooban dhowr xildhibaan oo xaqiiq raadin u aaday xaalada Amni iyo mid nololeeed ee Gobolka Bokool ayaa warbixin looga dhageystay islamarkaasina ay sheegeen in Bulshada Gobolka Bokool ay wajahayaan Amni darro ,Abaara ba,an iyo xaalad nololeed oo kala duwan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale magacabay labada Habdhowre ku-xigeen kuwaas oo kala ah Xil.Sahra Cabdullahi Cigaal iyo Xil.Cabaas Cali Ibrahim, waxaana codka kalsoonida siiyey 175 xildhibaan waxaa ka aamuustay labo Xildhibaan waxaana diiday labo Xildhibaan kale, sidaasi ayuu Guddoomiyuhu sheegay in ay ansax ku yihiin. Dhanka kale Xildhibaannadda ayaa doortay Guddiga korjoogteynta dib u eegista Dastuurka Dalka Shanta xubnood ee Golaha shacabka waxaana ku guuleytay, 1. Xil. Xuseen Qasim Yusuf Iidow 2. Xil. Maxamed Heyle Axmed 3. Xil. Yuusuf Cali Xoosh 4. Xil. Maxamed yusuf Xasan Waliid 5. Xil. Cabdullahi Carab Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xiray Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waxaana uu sheegay intii ay socdeen kulamadii Kalfadhiga 1aad in Goluhu guteen Waajibkoodii saarnaa, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay fasax laba bilood ah galayaan islamarkaana Deegaan doorashadoodu dib ugu laabtaan. DHAMMAAD
Johannesburg September 01,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa ka qeyb galay shirweynihii 11-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda heer qaran iyo heer gobol ee Afrika oo maanta ka furmay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyey shirweynaha ayaa sheegay saameynta isbedelka cimalada Geeska Africa iyo sidii loo soo afjari lahaa cuno yaraanta ay wajaheeyso qaarada Africa ayadoo loo maraayo dejinta shuruuc adkeeyneyso wax-soo saarka iyo saameenta cudurka Covid-19. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ahmiyad gaar ah siinaya in iskaashi balaaran laga sameeyo sidii looga hortagi laa abaaraha soo noqnoqodey waxaana uu u rajeeyey in shirka wax lataaban karo ay ka soo baxaan sidoo kale waxa uu u mahadceliyey cidkastoo ka qeyb qaadatey. Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa adkeeyey in baarlamaannadda Afrika ay fuliyaan wixii ay ka balan qaadeen shacabkooda ummadda qaaradana lagu wacyi-geliyo kordhinta wax-soosaarka iyo beerashada. Dhammaad
Ogoosto 29,2022, Kulankan Aqoon isweydaarsiga ah oo lagu Baranaayey Doorka Haweenka Siyaasada kujira ee goor dhow lagu soo gabagabeeyay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa ayaa Maalin-nimadii shalay waxaa furtay kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar Kulankaan Aqoon Iswaydaarsiga ah oo soconaayey mudo labo maalin ah oo ay taageereysay Hay'adda dalada Bulshada Rayidka oo Kaashaneysa ayaa lagu baranaayey xoojinta doorka ka qayb galka siyaasada iyo dhiirigalinta haweenka ku jira Golaha Shacabka ee BJFS. Sidoo kale kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa Dhiirigelinta xildhibaanada haweenka ee ku cusub Golaha Shacabka iyo is dhaafsiga argatiyo ku aaddan wada shaqaynta Haweenka kujira Golaha Shacabka. Aqoon iswaydaarsigan ayaa qeyb ka ah ballanqaadyadii uu horay u sameeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Kulanka ayaa waxaa soo xiray kusimaha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mohamed Abdullahi Ciyow. DHAMMAAD
Muqdisho Luulyo 27,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa maanta waxay kulan isbarasho iyo kala warqaadasho ah, la qaateen howl-wadeennada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, kuwaas oo uu Guddoomiyaha ka dhageystay warbixin ku aaddan marxaladaha kala duwan oo ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha ayaa dhammaan shaqaalaha Baarlamaanka kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu yiri, "Waxaan kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah la qaadanay guud ahaan shaqaalaha Kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS, anigoo ka dhageystay warbixino Ku saabsan hanaanka shaqada, gudashada waajibaadka shaqo iyo sidii ay u laba jibaari lahaayeen shaqooyinka ay u hayaan Qaranka" Guddoomiyaha ayaa shaqalaaha mid mid loogu yeerinaayay magacyadooda. Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa shaqaalaha u sheegey inay jiri doonaan kulamo kale uu la yeelan doono waaxyaha shaqaalaha maalmaha soo socda si kor loogu qaado hufnaanta shaqada iyo dardar gelinta howlaha hortabinta u leh Golaha Shacabka Afarta sano ee soo socota. DHAMMAAD
Muqdisho Ogoosto 07,2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1aad kulankiisa 14aad ee Golaha Shacabka BJFS, Ajandaha kulan oo ahaa ansixinta Golaha Wasiirada ee xukuumadda uu dhowaan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Kullanka oo ay soo xaadireen 237 mudane ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka xildhibaanada u weeydiiyey in ay siiyaan codkooda kalsoonida ah, waxaana cod gacan taag ah ku codeysay 229 xildhibaan waxaa diiday 7 mudane waxaana ka aamustay 1 Xildhibaan, sidaasina uu Guddoomiyuhu ugu dhawaaqey inay ansax tahay Xukuumadda. Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyey kalsooni siinta Xukuumada uu soo magacabay waxaana uu sheegay in xukuumadiisa ay dardar gelin doonto hirgelinta Barnaamijyada horyaala. Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa soo xirey kulanka Golaha Shacabka. Dhammaad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga tacsiyeeyay Ehelka, Qaraabada, bahda Suugaanta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha ayaa Alle uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uu ka baxayna samir iyo Imman ka siiyo. "Waxaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, qaraabada iyo bahda suugaanta uga tacsiyaynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan (Madoobe). Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu Abwaanka udub dhaxaad u ahaa Fanka iyo Sugaanta Soomaaliyeed asagoo kaalin weyn ka qaatay baraarujinta bulshada iyo dhiiragelinta Wadaniyadda. DHAMMAAD
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta loo dhaariyey xubinimo Golaha Shacabka oo abadiyan ah, Qodobka 64-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo wax ka baddel lagu sameeyay 2012-2016 ayaa dhigaya in qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo uu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii labaad oo markii uu xilka ka dagay xildhibaan noqday, 2017 waxaa sidoo kale xildhibaan noqday Xasan Sheekh Maxamuud. Tirada xidhibaannada Golaha Shacabka oo markii hore lagu dhisay habka 4.5 ayaa ahaa 275 laakiin hadda waxa uu noqonaya 277 mudane.
Muqdisho Ogoosto 30,2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika isagoo uga qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda Afrika ee (Pan-African Parliament). Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya. Dhammaad
Johannesburg September 01,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray geerida xanuunka leh ee ku timid hooyada dhashay madaxweynihii hore ee JFS Mudane Shariif Sheekh Axmed marxuumad Xasna Cabdulle Isxaaq oo ku geeriyootay Magalada Abu Dhabi ee Isutaga Imaaraatka Carabta, waxaana uu yiri: "Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa walaalkeey Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, geerida ku timid Allaha u naxariistee hooyadiis Xasno Cabdulle Isaaq oo ku geeriyootay Abu Dhabi, Imaaradka Carabta. Waxaan Allah SWT uga baryayaa in uu jannadiisa ka waraabiyo, Madaxwayne Sheekh Shariif iyo eheladiisana uu samir iyo iimaam ka siiyo" Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa qoyska ehelka iyo qaarabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Eebe weyne uga baryey geerida Hooyo Xasno Cabdulle Isaaq inuu samir iyo Iimaan ka siiyo. Dhammaad
Muqdisho, Ogoosto 30,2022, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa Maanta Hotel Jazeera ka Furay kulan looga hadlaayay wada-shaqeyn dhaxmarta Guddiyada Golaha Shacabka BJFS iyo bulshada rayidka Kullanka inta uu socday waxaa dood dheer laga yeeshay muhiimada ay leedahay wada-shaqeyn dhexmarta guddi hoosaadyada Golaha Shacabka iyo Bulshada rayidka iyadoo Guddoomiyeyaasha Guddiyada kala duwan su'aalo laga weeydiiyay waxayaabaha u qorsheysan iyo Ajadayaasha Hortabinta u leh. Ururadda Bulshada rayidka ayaa codsaday in Doodaha kulamada Golaha Shacabka laga qeyb geliyo si talooyin ay ugu biiriyaan Howlaha horyaalaha Golaha. Ugu dambeyn Kulanka ayaa waxaa soo xiray Habdhowre ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane xil. Cabaas Cali Ibrahim waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay kullamadan oo kale in ay yeeshaan Guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS. Dhammaad
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya