Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Beri oo Sabti ah Tar 7 Nov, waxaa jira Kulan weynihii Golaha.
Agendaha
1. Warbixin ku Saabsan Saameynta Covid 19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada
2. Warbixin ku Saaabsan Saameynta Covid 19 ee Ganacsiga
3. Akh2aad ee H/Sh Socdaalka Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Burkina Faso ayaa intuu halkaasi joogay waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelisay Dowladda Burkina Faso.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay Oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaanka.

Shalay oo ay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka kasoo ambabaxeen Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee Dalka Burkina Faso waxaa garoonka halkaasi kasoo sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sakandé,waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka walaalaha Jabuuti oo si wadajir shir ugu qabtay Gudaha Garoonka Aougadougou ay ugu mahad celiyeen Shacabka iyo dowladda Burkina Faso marti gelinta shirka iyo soo dhoweynta wafuuda ka qeyb galeysay.

Maanta ayay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dib ugu soo laabteen Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah madaxda Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu)ee Caasimadda Dalka Burkina Faso kaga qeyb galeysa kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa ka qeyb galay casho sharaf xubnaha shirka ka qeyb galaya loogu sameeyay Magaaladda tan Ouagadougou (Waakadhuugu) Sidoo kalena waxaa goobta lagu soo bandhigay cayaaraha Hidaha iyo dhaqanka ee Dalkan Burkina Faso.

Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu)ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa maanta ka dhacay Shirka Xoghayahaasha guud ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo horudhac u ah kalfadhiga 15-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanka Ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka ee maalmahan jooga Dalkan Burkina Faso ayaa sheegay in shirkan looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay ama ka hir galay qodobadii shirarkii horey u dhacay kasoo baxay Sidoo kalena laga wada hadlay joogteynta xiriirka xoghayaasha guud iyo sidii tababar aqoontooda kor loogu qaadaayo loo siin lahaa shaqaalaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Sidoo kale waxaa isla xarunta uu ka dhici doono shir weynaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ka dhacay shir kale oo ajendihiisu uu ahaa wadatashi guud iyo dib u habeyn lagu sameynayay Gudi hoosaadyada Baarlaaanadda dalalkan ay leeyihiin,waxaana Soomaaliya ay xubin kaga noqotay Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Haweenka oo ay ku wada Jiraan Dalalka Baxreyn,Falastiin iyo Libya sida uu Warbaahinta Qaranka uu u sheegay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris “Ganey” oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah xubnaha wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn xubnaha ka socda Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay qadiyada Falastiin oo dhamaan ka qeyb galayaasha ay aad uga hadleen sida ay uga go’antahay difaaca qadiyada Falastiin.

Gudoomiyaha Golaha shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Koonfur-Galbeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Malaaq Cabdiraxmaan Shekh Aadan Malaaq ( Carab ) oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo isagoo kamid ahaa Malaaqyada sida weyn looga yaqaanay degaanada KG.

Alle ha u naxariistee waxaa uu Guddoomiyaha si gaar ah ugusii tacsiyadeeyay qoyskii, ehelkii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Malaaq Carab oo muddo badan ka shaqeynayay nabadda iyo deganaanshaha dhulka koonfurta.

Beri oo Isniin ah Tr 13 Janaayo Waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka, Ajendaha Kulanka ayaa ah.

Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangoynta & Tayo Dhawrka.

 

Waxaa goordhaw furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka MudaneCabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey.

sidoo kale kulanka waxaa goob joog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Kulanka waxaa goob joog ah 140 Xildhibaan

Ajendaha kulanka ayaa ah

1. U codeynta wax-ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

2. U codeynta wax ka bedelka sharciga Furdooyinka.

3.Akhrinta 3-Aad ee hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayo dhowrka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hambalyo u diray Dr Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Galmudug ka dib doorasho maanta ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxamaan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmey ku- xigaynka Wakiilka, Barnaamijka UNDP Soomaaliya kulakan ayaa waxaa loogu hadley sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta UNDP iyo Golaha shacabka Barlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Moxamed Mursal Sheikh Cabdiraxamaan ayaa maanta kulan laqaatey UN,Amison iyo Ambassadorada Copenhagen Group kulakan ayaa waxaa loogu hadley Doorashada la filayo in ay ka dhacado Dalka Soomaaliya 2020 -2021 iyo xoojinta wadashaqynta labada dhinac

 

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya