Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa maanta oo arbaco ah Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaliya Johann Pierre Siffoint waxayna ka wada hadleen arimaha Fataahada

Wakiilka UNHCR ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey kaalmo iyo gurmad ay gaaarsiyeen dadka dhibaatada kaso gaartay fatahadayada gaar ahaan Degmada Berdaale ee Gobalka Bay

Mr Johann ayaa sheegay in gurmad deg deg ah ay u fidiyeen dad gaaraya 25,000 ila 30, 000 kun qof oo saameyey Fatahadda isago wakiilka intaasi ku daray inta ay wadeen gurmadka ay la kulmeen Maamulka Dagmada iyo kan gobalka

Dhanka kale Guddomiyaha iyo Wakiilka ayaa sido kale ka wada hadlay arimo ku saabsan Kampala Convention iyo IDP-ga iyo sharciyada weli aan la ansixin oo ay muhiim tahay in la meel mariyo

.

 

 

 

 

Maalinimadii Sabtida Oo Ay Taariikhdu Ku Beegnayd 26.10.2019 Ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Bjfs Waxa Ay Yeesheen Kulankii Afaraad Ee Kalfadhiga 6aad,Ajandaha Kulanka Ayaa Ahaa Warbixin Kahadlaysa Fatahaado Saameeyay Qeybo Ka Mid Ah Dalka Gaar Ahaan Magaalooyinka Balad-Weyne Iyo Bardaale, Warbixin Ku Saabsan Deegaanka Awdheegle Ee Gobolka Sh/Hoose  Iyo Akhrinta 2aad Ee Wax-Ka Badalka Sharciga Furdooyinka.

Ugu Horeyntii Xildhibaan Farxiya Muumin Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Golaha Ka Hor Jeedisay Warbixin Ka Hadlaysa Daadad Saameeyay Magaadalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan,Intaas Kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Soo Jeedimo Dhowr Ah Ka Sameeyay Sida Loola Taxcaali Karo Iyaga Oo Baaq U Jeediyay Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Dhinaca Kale Warbixin Ka Hadlaysa Daadad Saameeyay Magaalda Bardaale Ee Gobolka Baaywaxaa Iyana Golaha Ka Hor-Jeedisay Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Intaas Ka Dib Xildhibaan Nuur Sidow Ayaa Xildhibaanada Ka Hor-Jeediyay Warbixin Ka Hadlaysa Deegaanka Awdheegle Ee Gobolka Sh/Hoose Oo Mudooyinkaan Uu Howlo Shaqo U Joogay.

Ugu Danbayntii Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan Ayaa Xildhibaanada Golaha Ka Hor-Jeediyay Akhrinta 2aad Ee Sharciga Furdooyinka Iyo Qodobo Dhowr Ah Oo Ay Wax Ka Badal Ku Sameeyeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Isniintii Yeeshay Kulankooda 5aad Ee Kalfadhigaan 6aad Kooramka Kulanka Ayaa Ku Furmay 140 Mudane Waxana Shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman Oo Uu Wehliyo Guddomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Goalaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sheikh Muuday Ajendaha Kulanka Aya Ahaa Akhrinta 2aad Ee Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka, Akhrinta 3aad Ee Sharciga Istaatistikada Qaranka, Akhrinta 1aad Heshiiska Kamid Noqashada Hay'adda Damaanada Maalgashiga Darafyada Badan iyo Warbixin ku saabsan Daadad Saameeyay Magaalada Bar-Daale.

Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey oo Ka mid Ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Fadhiga Golaha ka hor-jeediyay Warbixin Ku Saabsan Daadad Saameeyay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay iyo Deegaanada ku Teedsan.

Sidoo Kale Xildhibaanda Golaha Shacabka BJFS Ayaa Maalintii Arbacada Ahayd Yeeshay Kulankooda 6aad Ee Kalfadhiga 6aad, Ugu Horey Guntanka Kulanka Guud Ee Mudanayaasha Golaha Shacabka Ayaa Ku Furmay 139 Xildhibaan,  Waxa Ay Xildhibaanada Akhrinta Sedaxaad Marsiiyeen Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka,  Waxaana Golaha Usoo Gudbiyay Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Miisaaniyada Qorsheynta Iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Intaasi Ka Dib Xildhibaanada Golaha Ayaa Cod Geliyay Wax Ka Bedelka Sharciga Iibka Qaranka,Waxaana Codka Haa Ku Ogolaatay 133-Xildhibaan Laba Xildhibaan Ayaa Diiday Halka Afar Xildhibaanna Ay Ka Aamuseen Sida Uu Natiijada Codeynta Ku Dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Kulanka Shir Guddoominayay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim Iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan Oo Ka Mid Ah Guddiga Maaliyadda Ayaa Mudanayaasha Golaha Uga Mahad Celiyay Ansixinta Sharcigan.

Sidoo Kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xoghayaha Guddiga Maaliyadda Ayaa Golaha Usoo Gudbiyay Akhrinta Sedaxaad Ee Wax Ka Bedelka Sharciga Furdooyinka,Gaar Ahaan Qodobada Wax Ka Bedelka Lagu Sameeyay.

Xildhibaanada Oo Sidoo Kale Sharcigan Cod Geliyay Ayaa Waxaa Codka Haa Ku Ogolaatay 134-Xildhibaan Waxaa Diiday 5-Xildhibaan Halka Sedax Xildhibaanna Ay Ka Aamuseen.

Ugu Dambeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Maanta Ka Dooday Ajende Horey Uu Goluhu Ugu Balansanaa Oo Ahaa In Dood  Laga Yeesho Soo Xaadirista Xildhibaanada Ee Fadhiyada Golaha,Waxaana Dooda Ka Hor Guddoomiyaha Golaha Shacabka Uu Ka Hadlay Muhiimada Kalfadhigan Iyo Howlaha Golaha Horyaala.

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Fikirkooda Ka Dhiibtay Soo Xaadirista Xildhibaanada Iyo Howlaha Muhiimka Ah Ee Golaha Horyaala Kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo Kulanka Soo Xiray Ayaa Sheegay In Dooda Ku Saabsan Soo Xaadirista Xildhibaanada Ee Kulamada Golaha  Uu Sii Socon Doono,Waxaana Uu Xildhibaanadda Uga Mahad Celiyay Sida Ay Uga Go’antahay Dar Dar Gelinta Howlaha Golaha Horyaala

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka Bjfs Ayaa Maalinimadii Sabti Ahayd  Tar 19 Oct Yeeshay Kulankoodii 1-Aad Ee Kalfadhiga 6-Aad, Ajendaha Kulanka Ayaa Ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Iyo Akhrinta 1aad Ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan Muuqan Iyo Heshiis Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Kadib Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ayaa Waxaa Loo Yeeray Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Cabdullahi Godax Bare Si Xildhibaanada Uga Hor-jeediyo Akhrinta 1aad Ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan Muuqan Iyo Heshiis Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga Intaas Kadib Guddoomiyaha Golaha Shcabka Ayaa Xildhibaanada Ku Wargeliyay In Kulamada Xiga Looga Doodi Doono  Heshiiskan Uu Wasiirka Ka Hor Akhriyay.

Dhinaca Kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Kulankoodii 2aad Yeeshay Isniintii Oo Ku Beegnayd 21 Oct Waxaana Shir Guddoominayay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, Waxa Ay Xildhibaanada Ugu Horeyn Ansixiyeen Xubin Magacaabaneyd Oo Aheyd Buuxinta Boos Ka Banaanaa Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka, Waxaana Natiijada Codeynta Ku Dhawaaqay Shir Guddoonka Kulanka.

Aadan Cabdinaasir Maxamed Oo Si Rasmi Ah U Buuxiyay Xubin Ka Banaaneyd Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Ayaa U Mahad Celiyay Guddoonka Iyo Xildhibaanada Golaha Kalsoonida Ay Siiyeen.

Sidoo  Kale Mudanayaasha Golaha Shacabka Ayaa Akhrinta 2-Aad Marsiiyay Hindise Sharciyeedka Maamulka Dakhliga Dalka,Waxaana Golaha Sharcigan Iyo Marxalidihii Kala Duwanaa Ee Uu Soo Maray U Akhriyay Guddoomiyaha Gudiga Maaliyada,Qorsheynta Iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji Oo Sidoo Kale Golaha Ka Codsaday In Ay Ansixiyaan.

Intaas Ka Dib Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Cod U Qaaday Sharcigan Ka Dib Markii Dooda Xildhibaanda Ay U Badatay In Cod La Geliyo, Waxaana Natiijada Codeynta Ku Dhowaaqay Shir Guddoonka Kulanka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ayaa Sheegay In Wasaaradda Maaliyadda Looga Baahanyahay In Ay Cadeyso Xuquuqaad Uu Sheegay In Ay Ka Maqanyihiin Xildhibaano.

Sidoo Kale Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Ayaa Golaha Maanta Usoo Gudbiyay Akhrinta Koowaad Ee Dib Ugu Noqoshada Miisaaniyadda Sanadka 2019,Waxaana Mudanayaasha Golaha U Faah Faahiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim
.
Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Oo Kulanka Soo Xiray Ayaa Sheegay In Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Looga Baahanyahay In Ay Golaha Hor Yimaadaan Si Loo Weydiiyo Su’aalo Ay Mudanayaasha Golaha U Qabaan,Si Wax Badan Looga Ogaado Howlaha Wasaaradda Maaliyadda,Waxaana Sidoo Kale Mudanayaasha Golaha Loo Qeybiyay Axdiga Ilaalinta Hanti Dhaqameedka Xiliyada Colaadaha .

Ugu Danbeyntii Xildhibaanada Golaha Shacabka Bjfs Ayaa  Yeeshay Kulankoodii 3aad Ee Kalfadhiga 6aad Maalinimadii Isniinta ahayd, Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey Oo Uu Hareer Fadhiyay Guddoomiye Kuxigaanka 2aad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Shir-Gudoomiyay Kulanka Guud Ee Golaha Shacabka.

Ugu Horeyntii Guddoomiyaha Ayaa Xildhibaanada Ka Codsaday In Ay Ansixiyaan Ajandaha Kulanka,Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaana Si Wada Ogol ah Ku Meelmariyay Ajandaha Kulanka.

Intaas Kadib Waxaa La Guda Galay Ajandaha Kulanka Oo Ka Koobnaa Dhowr Qodob Oo Kala Ah Akhrinta 1aad Axdiga Ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada
Iyo Akhrinta 1aad Ee Ka Mid Noqoshada Hay’ada Damaanad Qaadka Maalgashiga Darafyada Badan Iyo Sidoo Kale Akhrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka Tiro-koobka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Ayaana Guda Galay Ka Doodista Axdiga Ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada,iyadoona inta Badan Xildhibaanada Ay Isku Aragti Ka Ahaayeen Axdiga Ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada,Waxayna Ku Bogaadiyeen Wasiirka Wasaarada Howsha Wanaagsan Ee Uu Soo qabtay.

Gabagabadii Kulanka Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibrahim Sheikh Muudeey ayaa Kulanka Soo Xiray.  


 

 

 


 

 

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha  Shacabka Ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibaraahim Sheikh  Muudeey Ayaa Maanta La Kulmay Safiirka Ingiriiska Mr.Ben Fender Obe.

Kulanka Oo  Looga Hadlay Qodobo  Muhiim Ah Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa  Sidii Loo Xoojin Lahaa Wada Shaqeynta Safaarada Iyo Golaha Shacabka.

 

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan kula yeeshay xarunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe.


Ajendaha kulanka uu guddiga la yeeshay wasiiradda ayaa ahaa doorka ay ka qaadan karaan sugida doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-Ka.

wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhiga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa guddiga uga warbixay qaabka ay u sugi karaan amaanka goobaha ay doorashada dalka ka dhici doonta 2021-ka.

 

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab} ayaa kaga mahadceliyay wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga sida wanaagsan oo ay ugu sharaxeen guddiga sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka koobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2021-ka.

Guddiga ayaa waday kulamo uu la qaadanayo cid walba oo ay qusayso sharciga doorashooyinka qaranka tan iyo markii la magacaabay.

 

Kulanka waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamee Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi xaashi cabdullaahi Guddoomiye kuxigeenada koowaad iyo labaad ee Aqalka Sare iyo sidoo kale xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka ee baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ayaa guddoonka baarlamaanka usoo gudbiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan dib u eegista dastuurka dalka iyo habraacii lagu ansixin lahaa, Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha Guddiga oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Sidoo kale waxyaabaha Kulanka looga hadlay ay ka mid ahaayeen labada golaha gole ee baarlamaanka ay yeeshaan kulan wadajir ah.

Ajendaha Kulanka Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ee Maanta Waxa Uu Ahaa Dejinta Ajendayaasha Horu Tebinta U Leh Fadhiyada Golaha Shacabka Ee Kalfadhigan Lixaad Ee Golaha Shacabka.

 

Kulanka Maanta Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

Kulanka Oo Sidoo Kale ay Goob Joog Ahaayeen Guddoomiye Kuixgeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey Iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ayaa Guddoomiyaasha Guddiga Joogtada Ah Waxaa Laga Dhageystay Warbixino La Xiriira Gudi Walba Sharciyada Horyaala Iyo Sida Ay U Kala Horeeyaan.

 

Intaas kadib Xoghayaha Guud Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux Ayaa Kulanka Ka Dib La Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maalinimada Sabtida ee soosocta oo Y Taariikhdu ku began tahay 19-10-19 laqaban doono kulanka ugu horeyo ee kalfadhiga 6aad Golaha Shacabka.

 

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Xildhibaanada ugu Baaqay in Dalka kusoo laabtaan inta Ka harsan waqtiga.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Iyo Wafdi Xildhibaano Ah Oo Uu Hogaaminayo Oo Maanta Soo Gaaray Magaaladda Muqdisho Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan Wasiiro Iyo Xildhibaano.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Iyo Sidoo Kale Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo wafdigii Kasocday Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa Isla Maanta Gaaray Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay,Ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaaladda Baydhabo Kusoo Dhoweeyay Mas’uuliyiinta Kala Duwan Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Uu Ay Ugu Horeeyaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Ee Koonfur Galbeed,Iyo Sidoo Kale Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Magaaladda Baydhabo.

Intaasi Ka Dib Shir Jaraa’id Oo Ay Si Wadajir Ah U Qabteen Labada Guddoomiye Ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan Waxa Uu Ugu Horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Uu Kusoo Dhoweeyay Magaaladda Baydhabo Isagoo Sheegay In Mudada Ay Joogaan Ay Kulamo La Qaadan Doonaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo Kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa Sheegay Inuu Ku Faraxsanyahay Inuu Yimaado Magaaladda Baydhabo.

Wafdigan Ayaa Mudada Ay Joogaan Magaaladda Baydhabo Waxa Ay Kulamo La Qaadan Doonaan Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sidoo Kale Wafdiga Ka Socda Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Jabuuti Ayaa Imaatinkooda Dalka Waxa Uu Ka Dambeeyay Ka Dib Markii Ay Casuumaad Rasmi Ah Ka Heleen Guddoonka Golaha Shacabka Ee BJFS Si Ay Uga Qeyb Galaan Furitaanka Kalfadhiga Lixaad Ee Golaha Shacabka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goor dhow  soo gaaray magaaladda Muqdisho, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo Sidoo kale Xubno katirsan wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliay iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Wafdigaan uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa isla manta laguu wadaa in ay Gaaraan magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koon-fur Galbeed,

Mudane Maxamed Cali Xumad Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo Furitaanka kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka BJFS oo la qaban doono 9 octobar oo ku began Maalinta Arbacada.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya