Print this page

Gudoomiyaha Golaha shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

January 10, 2020 1750

Gudoomiyaha Golaha shacabka BJF Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Koonfur-Galbeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Malaaq Cabdiraxmaan Shekh Aadan Malaaq ( Carab ) oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo isagoo kamid ahaa Malaaqyada sida weyn looga yaqaanay degaanada KG.

Alle ha u naxariistee waxaa uu Guddoomiyaha si gaar ah ugusii tacsiyadeeyay qoyskii, ehelkii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Malaaq Carab oo muddo badan ka shaqeynayay nabadda iyo deganaanshaha dhulka koonfurta.