Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu)ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa maanta ka dhacay Shirka Xoghayahaasha guud ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka

Magaaladda Ouagadougou (Waakadhugu)ee Caasimadda Dalka Burkina Faso waxaa maanta ka dhacay Shirka Xoghayahaasha guud ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo horudhac u ah kalfadhiga 15-aad ee guddoomiyaasha Baarlamaanka Ee midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha shacabka ee maalmahan jooga Dalkan Burkina Faso ayaa sheegay in shirkan looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay ama ka hir galay qodobadii shirarkii horey u dhacay kasoo baxay Sidoo kalena laga wada hadlay joogteynta xiriirka xoghayaasha guud iyo sidii tababar aqoontooda kor loogu qaadaayo loo siin lahaa shaqaalaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka.

Sidoo kale waxaa isla xarunta uu ka dhici doono shir weynaha midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ka dhacay shir kale oo ajendihiisu uu ahaa wadatashi guud iyo dib u habeyn lagu sameynayay Gudi hoosaadyada Baarlaaanadda dalalkan ay leeyihiin,waxaana Soomaaliya ay xubin kaga noqotay Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Arrimaha Haweenka oo ay ku wada Jiraan Dalalka Baxreyn,Falastiin iyo Libya sida uu Warbaahinta Qaranka uu u sheegay Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris “Ganey” oo Soomaaliya shirkan ku matalayay Sidoo kalena qeyb ka ah xubnaha wafdiga uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn xubnaha ka socda Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka ayaa yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay qadiyada Falastiin oo dhamaan ka qeyb galayaasha ay aad uga hadleen sida ay uga go’antahay difaaca qadiyada Falastiin.

Lasaco Tweets keenna

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh @AadanMadobe iyo wafti uu hogaaminay… https://t.co/6xa0K5yPH9
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa tacsi… https://t.co/TkuAR4F8Y1
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa galay fasaxa Xajka iyo Ciidul Adxa. Waxaana Xildhibaanadda laga codsaday in ay… https://t.co/hlwqUBlMmB
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya