Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa Maanta Hotel Jazeera ka Furay kulan looga hadlaayay wada-shaqeyn dhaxmarta Guddiyada Golaha Shacabka BJFS iyo bulsha rayidka

Muqdisho, Ogoosto 30,2022, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa Maanta Hotel Jazeera ka Furay kulan looga hadlaayay wada-shaqeyn dhaxmarta Guddiyada Golaha Shacabka BJFS iyo bulshada rayidka Kullanka inta uu socday waxaa dood dheer laga yeeshay muhiimada ay leedahay wada-shaqeyn dhexmarta guddi hoosaadyada Golaha Shacabka iyo Bulshada rayidka iyadoo Guddoomiyeyaasha Guddiyada kala duwan su'aalo laga weeydiiyay waxayaabaha u qorsheysan iyo Ajadayaasha Hortabinta u leh. Ururadda Bulshada rayidka ayaa codsaday in Doodaha kulamada Golaha Shacabka laga qeyb geliyo si talooyin ay ugu biiriyaan Howlaha horyaalaha Golaha. Ugu dambeyn Kulanka ayaa waxaa soo xiray Habdhowre ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane xil. Cabaas Cali Ibrahim waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay kullamadan oo kale in ay yeeshaan Guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka BJFS. Dhammaad

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya