Print this page

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY.

September 04, 2022 429
Muqdisho September 04,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay afar cisho oo maagalada Johannesburg uga qeyb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannadda Afrika ee Pan-African Parliament. Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Adan Abdulle Osman (Aadan Cade) ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaannadda Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu uga mahadceliyey soo dhoweynta wanagsan ee loo sameeyey. Dhammaad