Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka BJFS

Muqdisho,25,02,2023: Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka BJFS Mudane.Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 22-aad ee Golaha Shacabka BJFS Oo Ajandihiisu ahaa;
1)Akhrinta 1-aad iyo Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
2)Kadoodista warbixinta Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Aqoonisga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
3)Kadoodista warbixinta Akhrinta 2aad Handise Sharciyeedka Socdaalka.
4)Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedyada Dhowrista
Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa xildhibaanada ka hor
aqriyey sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa fadhga xildhibaanda la wadaagay faahfaahin iyo sharaaxaad ku saabsan wax kabadalka lagu sameeyey sharcigaan asigoona sheegay in uu muhiim u yahay dalka iyo dadka soomaliyeed wasiirka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay meelmariyaan sharcigaan Intaasi kadib xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay sharcigaan ayagoona iftiimiyay qodabada ku jira sharcigan oo muhiim u ah dadka soomaliyeed dooda xildhibaanada kadib Guddoomiyaha ayaa faray kusimha Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Ahana Xoghaye ku xigeenka Mudane.Maxamed cabdulahi cabdi(ciyow) in uu ku wareejiyo sharcigaan Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda BJFS si ay ugu soo shaqeyaan.
Intaasi kadib xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay labada sharci ee kala ah
Hindise Sharciyeedka Aqoonisga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha iyo Handise Sharciyeedka Socdaalka.
Ayagoona doodooda ku saleysneeyd toosin iyo turxaan bixin ku saabsan labada sharci.
Ugu dambeyntii Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo xiray kulanka maanta Asigoona sheegay in kulankaan kulankiisa xiga inay dhameeystiri doonaan dooda ku saabsan Handise Sharciyeedka Socdaalka.
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Lasaco Tweets keenna

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad… https://t.co/yuysbmlrlH
Gudd. @Golaha_shac_JFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh @AadanMadobe oo ay weheliyaan xildhibaanada la… https://t.co/HdI82Am5mm
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudan… https://t.co/3vsBALUcb3
Follow Golaha Shacabka BJFS on Twitter

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya