Muqdisho:
Kulankii mudanaaysha Golaha Shacabka ay Maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha ayaa Goordhow lasoo Gaba-gabeeyay
Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:
- Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye
- Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka
Guddoomiye Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Shacabka wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay howshooda kusoo gabagabeeyaan mudada u harsan ee Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu xeeriyey.
Waxaana kulanka soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.
Xafiiska Warfaafinta Golaah Shacabka.
