Muqdisho:Waxaa Maanta Bilowday Hadal-jeedinta Murashixiinta U taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Kulanka ay isugu imaadeen Mudnayaasha Golaha Shacabka uu shir gudoominayey Sii hayaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey ayaa waxay qudbadahooda Musharaxnimo ka hor-jeediyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Lix Musharax oo ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxayna kala ahaayeen:
- Ibrahim Issac Yarow
- Ali Sheikh Mohamed Nur
- Prof. Salim Alio Ibrow.
- Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
- Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe
- Idiris Abdi Taktar
Intaas kadib kulanka waxaa soo xiray Sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha waxaana loo balamay in maalinimada beri ah ay khudbadahooda ka horjeedin doonaan murashixiinta haray.





