Muqdisho:Waxaa Maanta lasoo Gabagabeynayaa Diiwaangelinta Murashaaxiinta u taan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Waxaa maalintii labaad si habsami leh ugu socota xarunta Villa hargeysa diiwaangelinta murashixiintaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyadoo la filayo maanta inay araajidooda keenaan murashixiinta harsan.
Maanta waxaa is diiwaangeliyey oo araajidooda aya ka aqbaleen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ilaa lix musharax waxayna kala yihin:
- Xil.Idiris Abdi Taktar
- Xil.Sharif Sheik Maye
- Xil.Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
- Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein
- Xil.Mohamud Moalim Yahya
- Xil.Iman Abdullahi Ali.
Waxaana la filayaa in maalinimada beri ay bilaawanto Hadal-jeedinta Murashaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.





