Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya.Xeerkan oo ay Xildhibaannada saaka mariyeen aqrinta 3aad ayaa markii ay dhameeyeen kaddib cod loo qaaday waxaana oggolaatay 139 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusan mana jirin Xildhibaan diiday.

Xeerkan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaankii sagaalaad,waxaase la soo noqday Baarlamaankan 10aad markii ay cabasho ka timid qaar ka mid ah Qodobada Xeerka.

Xildhibaannada ayaa dib u eegis ku sameeyay Xeerkan oo ay mariyeen saddex aqrin sida caadiga ah ee ay aqrinta u mariyaan xeerarka kale.

Maanta ayeyna u codeeyeen in xeerkaasi noqdo Xeerka saxaafadda Dalka xildhibaanada kulanka soo xaadiray oo gaarayay 140 xildhibaan ayaa 139 ka mid ah waxa ay ugu Codeeyeen Haa Hal Xildhibaan ayaa ka Aamusay Manajirin Cid diiday.

Rate this item
(0 votes)
Last modified on Monday, 08 July 2019 12:28

Leave a comment

Make sure you enter all the required information, indicated by an asterisk (*). HTML code is not allowed.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya