Muqdisho: Maanta oo sabti ah waxaa Xarunta Villa Hargeysa lagu dhaariyay wasiiradii dhawaan uu soo magacaabay Ra'isul wasaare xasan Cali Kheyre Waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman, Labadiisa Ku Xigeen iyo Ra'isul wasaare ku xigeenka Dalka Mne. Mahdi Maxamed Guueed Khadar.
Dhaarinta kadib ayuu gudoomiye Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhaga nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamaanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirada.
![guddoomiye mursal waa guddoomiye mursal iyo R/W ku xigeen mahdi](/images/Guddoomiye-Mursal-iyo-Kusimaha-Raisul-wasaaraha-mahdi.jpg)
![wasiirada cusub waa wasiirada cusub](/images/wasiirada-cusub.jpg)
![dhaarinta wasiirada cusub waa dhaarinta wasiirada cusub](/images/dhaarinta-wasiirada-cusub-1.jpg)
![dhaarinta wasiirada cusub1 waa dhaarinta wasiirada cusub1](/images/dhaarinta-wasiiradda-cusub-2.jpg)