Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KULAN AAN CAADI AHEYN EE UU YEESHAY GUDDIGA JOOGTADA GOLAHA SHACABKA BJFS

June 11, 2023 513

 

Muqdisho, Juun 11, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka 2-aad ee aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay warbixinta guddiga loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga seddaxaad.


Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay soo-jeedinta guddi hoosaadka loo xilsaaray soo diyaarinta ajandeynta kalfadhiga 3-aad, iyagoona isku raacay markii ay wax ka bedel ku sameeyaan ajandeynta kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka BJFS, kaas oo ah dhageysiga warbixinnada wasiiradda, la xisaabtanka Xukuumadda iyo Hay'adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah.


Dhanka kale guddiga ayaa si adag uga horyimid hanaanka uu soo maray Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka, kaas oo Guddiga Kor-joogteynta iyo La-socodka Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka JFS ku wareejiyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen. Guddiga ayaa isla gartay in Guddoomiyaha guddiga uu dib ugu celiyo nuqulada warbixinta uu maanta la wareegay islamarkaana la soo marsiiyo habraaca gudbinta heshiisyada iyo hindise sharciyeedyada si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee JFS.

 


DHAMMAAD

Lasaco Tweets keenna

RAADIN

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya