Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen magaaladda Muqdisho 

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan,waxaana kulanka soo xaadiray 140 xildhibaan.

Ajendaha kulankoodii maanta ayaa ahaa sii wadista dib u eegista wax ka badalka xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulanka waxaa joogay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Shiikh Muudeey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanaddii kulanka ka qeyb kalay ayaa soo jeediyay in qaar ka mid ah xeer Hoosaadka Golaha shacabka wax ka badal lagu sameeyo.

Ugu dambeeyntii kulanka waxaa soo xiray Guddoomiyaha golaha SHacabka. 

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 24-ka bisha September 2018, kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

 

Ajendaha kulanka ayaa ah sii wadista dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 

Kulanka waxa shir guddoominaayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

150 Xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray, waxaana xildhibaanada ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan arrimaha amniga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in talooyinkii ay soo gudbiyeen Xildhibaanada loo gudbinayo guddiga amniga iyo guddiga difaaca ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa labada guddi faray iney la wareegaan oo ay ka soo shaqeeyaan arrimahaan ku saabsan amniga ee Xildhibaanada ay ka doodeen.

“50 Xildhibaan ayaa hadashay, dhamaan fikradahoodii wa la qoray sida waafaqsan qodobka 57-aad ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee howlaha guddiyada, dhamaan qoraaladii ka soo baxay doodii xildhibaanada waxa ku wareejineynaa guddiga amniga iyo guddiga difaaca si ay golaha ugu soo celiyaan warbixin dhameystiran .” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeelanaya kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad.

Xildhibaanada ayaa sii wadi doono doodii shalay ee ku saabsaneyd amniga guud ee dalka gaar ahaan amniga Muqdisho.

Shalay waxaa dooda ka qeyb qaatay oo aragtidooda soo bandhigay 20 Xildhibaan.

sida qorshuhu uu yahay waxa maanta hadli doono oo aragtidooda ku saabsan amniga Muqdisho soo bandhigi doono 27 Xildhibaan oo ka mid ahaa xildhibaanadii shalay is qoray.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankii 2-Aad ee kalfadhigga 4-Aad Ku yeesheen Xarruunta Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Waxaana Kulanka 2-Aad Kalfadhigga 4-Aad ee Golaha Shacabka Soo xaadiray 168 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale kulanka joogay gudoomiye ku xigeenadda 1-Aad iyo 2-Aad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa kulankoodii maanta waxa ay kaga doodayeen xaaladda Amni ee Dalka,gaar ahaan xaaaladda Amaanka magaaladda Muqdisho.

 

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga 4-aad, Kulanka waxaa soo xaadiray 165 Xildhibaan, waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay dhowr hindise sharciyeed kuwaasi oo kala ah:

1. Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga.

2. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga LR-11 ee soo baxay sanadkii 2006-dii ee shaqaalaha rayidka.

3. Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Naafada.

4. Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga hanta dhowrka guud ee LR-kiisu yahay 34, kaasoo soo baxay 14-kii 4-aad sanadkii 1972-dii.

5. Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xildhibaanada u jeediyay warbixin ku saabsaneyd qorshe howleedka Golaha Shacabka mudada uu furan yahay Kalfadhiga 4-aad.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu ku began tahay 17 bisha September 2018, Waxa ay kulan ku leeyihiin  Xarruunta Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa Xildhibaanada waxa ay kaga hadli doonaan amniga Muqdisho.

 

 

 

 

 

Muqdisho:Waxaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho kulan dhageysi dadweyne oo ku saabsan hindise sharciyeedka Maareeynta Maaliyadda Soomaaliya (PFM) Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Maaliayadda ee Golaha Shacabka Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Furay Kulanka,Waxa uuna sheegay in kulamadaan oo kale ay shacabka fursad usiinayaan in ay waxbadan ka ogaadaan Sharciyadda iyo howlaha Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Dalka.

Dhinaca Kale Wasiir Bayle ayaa sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay hufnaanta iyo hagaajinta Hanaanka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya. Kulanka Dhageysi dadweynaha ayaa waxaaka qeybgalay sidoo kale hanta dhowraha qaranka,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda,Ururada Bulshada,khubaro dhanka Maaliyada & dhaqaalaha ah iyo Aqoonyahano.

 

wasiirka maaliyadda
wasiirka maaliyadda
dadweynaha dhageystayaasha
dadweynaha dhageystayaasha1

Muqdisho: Maanta oo sabti ah waxaa Xarunta Villa Hargeysa lagu dhaariyay wasiiradii dhawaan uu soo magacaabay Ra'isul wasaare xasan Cali Kheyre Waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman, Labadiisa Ku Xigeen iyo Ra'isul wasaare ku xigeenka Dalka Mne. Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Dhaarinta kadib ayuu gudoomiye Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhaga nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamaanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirada.

waa guddoomiye mursal iyo R/W ku xigeen mahdi
guddoomiye mursal ,gudd Muudey iyo R/W ku xigeen Mahdi
waa wasiirada cusub
wasiirada cusub
waa dhaarinta wasiirada cusub
dhaarinta wasiirada cusub
waa dhaarinta wasiirada cusub1
dhaarinta wasiirada cusub1

Muqdisho:kulan ay isugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka Xildhibaanada Golaha Ayaa Maanta looga Dooday wabixinta Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida Iyo Howlgabka ay soo diyaariyeen Guddiga Difaaca Golaha Shacabka waxaana ka hor akhriyey warbixinta Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Sadiiq warfaa, sidoo kale waxaa kaloo looga hadlay Warbixin Ku Saabsan Duufaanada Xeebaha Soomaaliya Waxaana Shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Ku Xigeenadiisa.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya