Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarrunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey.

Waxaa kulanka soo xaadiray 140 xildhibaan,iyadoona ajendaha kulanka uu ahaa Akhrinta seddexaad ee wax ka bedelka xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga warfaafinta,Dhaqanka,boostada iyo isgaarsiinta Xildhibaan Khalid Macow Abdulkhadir ayaa sheegay in u jeedooyinka xeerkaan warbaahinta uu yahay dajinta mabaadii’da siyaasadeed iyo sharci hagaayo warbaahinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka xeerkaan yahay in la helo warbaahin anshax iyo dhaqan wanaagsan leh.

Dhanka kale xoghayaha guddiga warfaafinta,Dhaqanka,boostada iyo isgaarsiinta xildhibaan Jabriil Abdirashiid Haji Abdi ayaa mudanayaasha goalaha shacabka u aqriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee xeerka saxaafadda,isagoona sheegay in ay wax ka bedel badan ay kusoo sameeyeen qeebo ka mid ah xeerkaan.

Aqrinta ka dib Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey ayaa xildhibaanadda golaha shacabka ka codsaday in ay xeerkaan u codeeyaan.

Codeen ka dib Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta wax ka bedelka xeerka saxaafadda waxa ayna natiijadda u dhacday sida tan 139 xildhibaan ayaa Haa ugu codeeyay Wax diiday Majirin waxaana ka Aamusay 1xildhibaan.

Ugu danbeeyntii kulan waxaa soo xiray Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim Sh.Muudeey

 

 

 

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay kulan ku leeyihiin Xarruunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 3-Aad ee wax ka Bedelka sharciga Xeerka  Saxaafadda oo horay usoo maray Akhrin kowaad iyo labaad.

sharciga Saxaafadda waxaa golaha shacabka usoo gudbisay wasaaraada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarrunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa u codeynta hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulan waxaa soo xaadiray 144 Xildhibaan,waxaana shir gudoominaayay gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed ‘Taaw’ oo ka mid ah guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa xildhibaanadda u aqriyay meelo ay wax ka bedel ay sharcigaan kusoo sameeyeen Aqalka Sare oo horay sharcigaan loogu gudbiyay.

Aqrin ka dib xildhibaanadda ayaa cod kacan taag ah u qaaday hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta,waxa uuna dhahay sida tan’waxaana ogolaatay sharcigaan 149 xildhibaan,1 xidhbaan ayaa diiday halka sidoo kale hal xildhibaan uu ka aamusay sharciga guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa’isagoona sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu sharcigaan uu ansax yahay.

Ugu danbeyntii guddomiyaha ayaa soo xiray kulankii ay maanta ay yeesheen mudanayaasha Golaha Shacabka.

 

 .

 

 

 

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarrunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa u codeynta hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Kulan waxaa soo xaadiray 144 Xildhibaan,waxaana shir gudoominaayay gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed ‘Taaw’ oo ka mid ah guddiga Garsoorka,Awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa xildhibaanadda u aqriyay meelo ay wax ka bedel ay sharcigaan kusoo sameeyeen Aqalka Sare oo horay sharcigaan loogu gudbiyay.

Aqrin ka dib xildhibaanadda ayaa cod kacan taag ah u qaaday hindise-sharciyeedka guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta,waxa uuna dhahay sida tan’waxaana ogolaatay sharcigaan 149 xildhibaan,1 xidhbaan ayaa diiday halka sidoo kale hal xildhibaan uu ka aamusay sharciga guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa’isagoona sheegay in uu sharcigaan uu ansax yahay.

Ugu danbeyntii guddomiyaha ayaa soo xiray kulankii ay maanta ay yeesheen mudanayaasha Golaha Shacabka.

 

 .

 

 

 

Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku leeyihiin xaruuntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka Maanta ayaa ah U Codeeynta Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Ladagaalanka musuq-maasuqa.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.dane Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka maqnaado kulamada golaha in ay yimaadaan kulamada Golaha, haddi kale lala tiigsan doono xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

‘Waxaa ina sugaayo in aan meel marino sharuuc badan oo uu ka mid yahay sharciga doorashooyinka dalka,marka waxaan xildhibaanada farayaa in ay yimaadaan kulamada golaha’. ayuu yiri Gudooomiye Mursal.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay guddi xaqiiq raadin ah ee uu soo magcaabey Madaxweynaha koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis (lafta gareen) dhibaatadii ka dhacadey magaalooyinka dhoosamareeb iyo gaalkacyo ee dowlad goboleedka galmudug taas oo lagu laayey dad shacab ah oo waxba galabsan,

gudigaan oo uu horkacayey wasiirka wasaaradda cadaaladda oo ay ka mid yihiin xildhibaano ,iyo salaadiin iyo malaaqyo oo ka soo jeedo koonfur galbeed .

Gudoomiye Mursal ayaa dhankiisa waxa uu horay u magacaabay guddi xildhibaano ah oo ka gooban 13 xildhibaan kuwaasi oo soo baarayo dad shacab ah oo lagu dilay magaalada Kaalkacyo.

labadaan guddi ayaana lagu wadaa in ay si wadajir ah ay usoo baaraan dadkaa lagu dilay kaalkacyo oo deegaan ahaan kasoo jeedo Maamulka goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga ah  ee golaha shacabka ayaa maanta waxa ay kulan kula yeesheen xarruunta villa Hargeysa wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha C/laahi Cali Xasan.

Kulanka ay guddiga la yeesheen wasiirka gancsiga waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga Maxamuud C/raxmaan Beena Beene.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa  seddex qodob,kuwaasi oo kala ahaa.

1.Kulan wadatashi ah oo ay wada yeeshaan guddiga iyo wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

2.sharciga jaangooynta iyo taya dhowrka oo akhrintiisii kowaad soo maray

3.iyo arrimaha laxarriira ganacsiga dalka.

Ugu danbeyntii Guddiga ganacsiga iyo warshadaha iyo maalgashiga caalamiga ayaa kaga mahadceliyay wasiirka wada shaqeynta fiican ee ka dhaxeysa guddiga iyo wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Xildhibaanadda golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa kulan ku yeeshay xarrunta golaha shacabka.

Kulanka oo ahaa kulankii 19-Aad kaldhiga 5-Aad ee golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa Akhrinta kowaad ee wax ka bedalka sharciga Iibka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda ee xakuumadda Federaalka soomaaliya.

Kulanka waxaa shir gudoominaayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiekh Abdiraxmaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Abdirahmaan ducaale Bayle ayaa xildhibaanadda Golaha Shacabka u aqriyay wax ka bedelka sharciga iibka qaranka oo maanta marayay akhrintiisa kowaad.

Akhrinta ka dib qaar ka mid ah xildhibaanadda golaha shacabka ayaa aragtiyo ka dhiibtay waxka bedelka sharicga iiqbka qaranka,iyagoona soo jeediyay talooyin muhiim u ah sharcigaan.

Kulanka waxaa soo xiray gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Shiekh Abdiraxmaan.

 

 

Xildhibaanadda Golaha SHacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay xarrunta Golaha Shacabka Kuleeyihiin kulankoodii Caaadiga Ahaa.

Kulanka Maanta oo ah kii 13-Aad oo ay yeelanayaan Xildhibaanadda Golaha shacabka ayaa looga hadli doonaa labo ajendo kuwaasi oo kala ah

1.Akhrinta Kowaad ee hindise-sharciyeedka Dakhliga iyo

2.Akhrinta Sedexaad ee Hindise-Sharciyeedka Shirkaddaha Ganacsiga oo horay usoo maray akhrimadda kowaad iyo labaad.

Wixii natiijo ah oo kasoo baxo kulanka Maanta Dib ayaan idiin kala soo socodsiindoonaa haddii alle Idmo.

Waxaa goor_dhow furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kooramka kulanka ayaa ku furmay 142 mudane, waxaa shir guddoominaya kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

Ajendaha Kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 2-aad ee Hindise-Sharciyeedka Batroolka.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya