Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Muqdisho:

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Amb Mohamed Mursal Sheikh ayaa maanta Soo Xiray Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socday Muddo Seddex Cisho ah. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta Dalka ugu sareysa Raisul wasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Kheyre wasiiro iyo sidoo kale madax ka kala socda maamul Goboleedyada dalka Marti sharaf iyo masuuliyiin Dhowr ah. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dastuurka ayaa ujeedkiisa ahaa Geedi socodka Dib u eegista Dastuurka ayaa waxaa soo xiray Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuuna kula dardaarmay wasaaradda iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib u eegsita  iyo Guddiga Lasocodka Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan Howsha Dhameystirka Dastuurka qabyada ah Mudada loo cayimay.

Muqdisho:

Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Ajandeha Kulankoodi 8aad ee Kalfadhigiisa Seddexad Waxay Uga Hadleen Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Shirkadaha ee Soomaaiya ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga & Warshaadaha Iyadoo uu ka hor akhriyey xildhibanada Wasiirka Wasaarada Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Intaas kadib ayaa xildhibaanaada su’aalo ka weydiiyey waxa uu qaban doono sharcigan iyo meel qaaar oo u baahnaa sixitaan iyo wax ka bedel.

Ugu dambeyntii kulanka ayaaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha shacabka wuxuuna ku wargeliyey Xoghayaha Guud in uu ku wareejiyo Hindise Sharciyeedkan Guddiga u qaabilsan siday ugu soo baaraan degaan uguna soo sameeyan wax ka bedel kadibn ay kusoo celiyaana Golaha.

Muqdisho:

Xafladaan oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Dalka oo uu ka midyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ,Ra'isul wasaaraha Xukuumadda JFS,Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdulaahi, Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabelle, Galmudug,Guddoomiyayaasha wakiilada Maamul Goboleedyada dalka Danjirayaasha Caalamka oo ugu horeeya Danjiraha Qaramada Midoobay,Danjiraha Turkiga,Danjiraha Itoobiya iyo wakiilo ka socday wadamada saaxiibada la ah Soomaaliya iyo Guddoonka Golayaasha Xeer-dajinta dalka iyo Marti-sharaf Badan oo lagu Casuumay Xaflada Caleema-saarka.

Kulanka oo ugu horeyntii uu ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali ibraahim sh.Muudeey ayaa ka qeybgalayaasha Xaflada kusoo dhaweeyay goobta ugana Mahad-celiyay ka qeybgalka Munaasabada.

Sidoo kale waxaa khudbad ka jeediyey munaasabadaas Madaxweynaha JFS asigoo ku amaanay sida Hufnaanta leh ay u doorteen Guddoomiyaha Cusub wuxuuna kula Dardaarmay inay dardargeliyaan howlaha horyaala Golaha oo ay ugu horeeyaan Hindise-Sharciyeedyo dalka muhiim u ah iyo inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Dhamaan Masuuliyiintii ka qeybgalayay kulanka ayaa ugu duceeyay Guddoomiye Maxamed Mursal in uu Alle la garabgalo Xilka Culus ee loo doortay.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa u Mahadceliyay Dhamaan ka qeybgalayaasha Munaasbada Caleema saarka waxa uuna balanqaaday in uu ka shaqayndoono wadajirka Golayaasha Xeerdejinta Dalka.

Muqdisho:Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaayay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha shacabka, waxaana goobjoog ahaa 144 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa furitaanka kulanka ka dib laga hor aqriyay Habmaamuska Xeerka lagu aas aasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika oo ay soo diyaariyeen guddiga arrimaha dibada Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cabdalla Cawad ayaa Xildhibaanada u sharaxay muhiimada uu soomaaliya u leeyahay xeerkan iyo sababta keentay in la soo dadajiyo.

“ Xeerkan wax badan ayuu naga caawinaya faa’iido badan aya noogu jirta, shalay golaha wasiirada ayaa ka codsanay in si deg deg ah ay noogu ansixiyaan wayna naga ogolaadeyn, Golaha Shacabka waxa ka codsanaya iney maanta ansixiyaan, madaxweynaha beri wuu saxiixayaa ka dibna wa la diraya welibo arbaco aya direynaa si aan ugu guuleysano howlaha noogu xeran” ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Xildhibaanada ayaa ka dooday xeerkan, sidoo kalena ku daray talooyinkooda, waxaana ugu dambeyn ay ku ansixiyeen codad gaaraya 141 Cod, ma jirin Xildhibaan diiday, waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lacag gaareysa 137 kun oo doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Guddoonka Golaha ayaa Xildhibaanada usoo jeediyay in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka loo sameynaya dadka ku dhibaateysan gobolada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la muujiyo doorka golaha shacabka, arrintaana si wadajir ah loogu qeyb qaato.

Xildhibaanada ayaa ka dooday soo jeedinta guddoonka iyo lacagaha ay golaha shacabka kaga qeyb qaadanaya howlaha gurmadka ee socda.

Xildhibaanada ayaa dhamaantood soo jeedisay in lacag badan loogu deeqo dadka sidoo kalena si siman loo gaarsiiyo dhamaan degaanada ay saameeyeen fatahaadaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka soo xeray ayaa shaaciyay go’aanka golaha iyo natiijada ka soo baxday dooda Xildhibaanada.

“Xildhibaanada fikirkooda dhiibtay aad ayay u mahadsan yihiin arrintaan waa arrin muhiim ah, guddoonka waxa uu soo jeediyay in Xildhibaan walbo laga jaro 365 doolar oo noqoneyso 100 kun oo doolar, laakiin Xildhibaanada talooyinkooda waxa uu u badnaa in Xildhibaan walbo laga jaro 500 oo doolar oo noqoneyso 137 kun oo doolar, fikirka iyo talooyinka Xildhibaanada ayaa qaadana Golaha Shacabka waxa uu bixinaya 137 kun oo doolar oo la siinayo dadka fatahaadaha ay saameeyeen” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Xildhibaanada iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney si wadajir ah ugu gurmadaan walaalahooda ku dhibaateysan gobolada dalka ee fatahaada, abaarta iyo roobabka ay isugu darsameyn.

Muqisho:

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta la kulmay qaar ka mid ah guddiyada joogtada ee golaha shacabka.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta guddoonka iyo guddiyada joogtada ee Villa Hargeysa.

Guddiyada uu la kulmay guddoomiye Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ah guddiga difaaca ee golaha iyo guddiga dib u heshiisiinta.

Waxa ay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta guddoomiyaha cusub iyo guddiyada joogtada.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleyn sidii loo dardar gelin lahaa howlaha muhiimka ee golaha horyaalla iyo sidii hala dhinac loogu noqon lahaa hormarinta golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warbixin la xiriirta shaqooyinka guddiyada iyo howlaha hada horyaalla ka dhageystay masuuliyiinta guddiyada.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dardaarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa wasaaraha ay shaqo wadaagayihiin.

Dhanka kale waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha Xarunta KMG ee golaha shacabka uu ku sii shaqeynayo inta laga dhisayo Xarunta weyn ee golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa si rasmi ah u daah furay dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka ku sii shaqeynayo.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaa dhismaha.

Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxa ayna noqoneysaa xarunta KMG ee golaha shacabka.

Marka la dhameeyo dhismaha xaruntan ayaa Xildhibaanada golaha shacabka waxa ay usoo wareegayaan xaruntan waxaana dhismo lagu bilaabaya xarunta weyn ee golaha shacabka.

Muqdisho:

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka oo maanta Kormeeray Qeybaha Xarunta Golaha Shacabka ay ka koobantahay

Mudane Maxamed Mursal sheekh cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Maanta waxa uu booqasho Ku tagay Xarunta Golaha Shacabka isagoo sidoo kale kormeeray Xafiisyada kala duwan ee uu ka koobanyahay Xarunta.

 Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa intaas kadib waxa uu Ku soo wareegay guud ahaan Xarunta Golaha Shacabka asigoo mid mid u kor istaagay dhismayaasha ay ka koobantahay Xarunta, Guddoomiyaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

 Intaas kadib ayaa waxa uu La kulmay Guddoomiyaha Howlwadeenada Golaha Shacabka asigoo bogaadiyay howsha ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda waxa uuna Ku dhiira galiyay in ay sii dardar galiyaan howsha ay Qaranka u hayaan sidoo kalena ay muujiyaan xilkasnimo iyo dulqaad dheeri ah,Waxa uuna sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in ay yeelan doonto Golaha Shacaabka xarun caafimaad oo u gaar ah si ay Howlwadeenada Golaha Shacabka ugu adeegto si ay u helaan daryeel caafimaad.

Guddoomiye Maxamed Mursal “ Golaha Shacabka waxa uu yeelanaya Xarun Caafimaad oo u gaar ah”.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu La kulmay Agaasimayaasha iyo maamulka guud ee Golaha Shacabka isagoona warbixino ka dhageysatay kuna booriyay in la muujiyo howl karnimo iyo hufnaan.

Muqdisho:Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS ayaa loo doortay Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.

Waxaa maanta Kulan isugu yimid Xarunta Golaha Shacabka Mudanayaasha Golaha Shacabka,kulankaas oo uu shir gudoominayey sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Shekh Muudeey ayaa waxaa lagu doortay Guddoomiye cusub.

Waxaa ku tartamayey ilaa 11 musharax waxayna kala ahaayeen:

  1. Idiris Abdi Taktar
  2. Sharif Sheik Maye
  3. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Mohamud Moalim Yahya
  6. Iman Abdullahi Ali.
  7. Ibrahim Issac Yarow
  8. Ali Sheikh Mohamed Nur
  9. Prof. Salim Alio Ibrow.
  10. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
  11. Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe

 halka uu tanaasulay Musharax Sh aadan Maxamed Nuur Madoobe intaan la geli codeynta Wareega 1aad,intaas kadib waxaa la guda galay codeynta wareega 1aad waxaana isugu soo haray ilaa 10 musharax waxayna kala ahaayeen:

  1. Idiris Abdi Taktar
  2. Sharif Sheik Maye
  3. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Mohamud Moalim Yahya
  6. Iman Abdullahi Ali.
  7. Ibrahim Issac Yarow
  8. Ali Sheikh Mohamed Nur
  9. Prof. Salim Alio Ibrow.
  10. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen

Waxaa kasoo gudbay wareega 1aad musharixiinta kala ah : Xil.Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen oo helay 54 Cod,Xil.Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman oo helay 83 Cod, Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein oo helay 19 Cod, Xil.Ibrahim Issac Yarow oo asigane helay 69 Cod.

Waxaa tanaasulay Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein iyo .Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen,kadib waxaa loo gudbay wareega 3aad maadaama wareega 2aad ay tanaasuleen labo musharax.

Waxaa la guda galay codeynta wareega 3aad ay isugu soo hareen labada musharax oo kala Xil.Ibrahim Issac Yarow iyo Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman.

Muqdisho:Waxaa Maanta lasoo Gabagabeynayaa Diiwaangelinta Murashaaxiinta u taan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa maalintii labaad si habsami leh ugu socota xarunta Villa hargeysa diiwaangelinta murashixiintaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyadoo la filayo maanta inay araajidooda keenaan murashixiinta harsan.

Maanta waxaa is diiwaangeliyey oo araajidooda aya ka aqbaleen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ilaa lix musharax waxayna kala yihin:

  1. Xil.Idiris Abdi Taktar
  2. Xil.Sharif Sheik Maye
  3. Xil.Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  4. Xil.Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  5. Xil.Mohamud Moalim Yahya
  6. Xil.Iman Abdullahi Ali.

Waxaana la filayaa in maalinimada beri ay bilaawanto Hadal-jeedinta Murashaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

is diiwaangeliye Murashax Xil Idiris Cabdi Taqtar
Murashax Xil Idiris Cabdi Taqtar
is diiwaangeliye Murashax Xil Iimaan Cabdulaahi Cali
Murashax Xil Iimaan Cabdulaahi Cali
is diiwaangeliye Murashax Xil Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman
Murashax Xil Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman
is diiwaangeliye Murashax Xil Maxamuud Macalin Yaxye
Murashax Xil Maxamuud Macalin Yaxye
is diiwaangeliye Murashax Xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax Xil Sharif Maxamed Cabdalla
is diiwaangeliye Murashax Xil Sharif Sheekhuna Maye
Murashax Xil Sharif Sheekhuna Maye

Muqdisho:Waxaa Bilowday Diiwaangelinta Murashaaxiinta u taan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Waxaa si habsami leh ugu socdo xarunta Villa hargeysa diiwaangelinta murashixiintaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyadoo ay soo buux dhaafiyeen murashixiinta u tartamaya qabashada xika Gudoomiyaha Golaha.

Ilaa hadda waxaa is diiwaangeliyey oo araajidooda aya ka aqbaleen guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha ilaa shan musharax waxayna kala yihin:

  1. Ibrahim Issac Yarow
  2. Ali Sheikh Mohamed Nur
  3. Prof. Salim Alio Ibrow.
  4. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
  5. Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe

Guddiga ayaa shaqeynaya ilaa 5:00 galabnimo si murashaxiinta looga qabto araajidooda ay kusoo codsanayaan u tartamida qabashada xilka Guddoomiyaha .

Waxaana la filayaa in maalinimada beri ay soo gabagabowdo diiwaangelina murashaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

is daaiwageliye Murashax Xil Ibrahim Isaaq Yarow
Murashax Xil Ibrahim Isaaq Yarow
is diiwangeliye Murashax Xil Sh aadan Madoobe
Murashax Xil Sh aadan Madoobe
is diiwangeliye Murashax Xil Saalim Caliyow Ibrow
Murashax Xil Saalim Caliyow Ibrow
is diiwangeliye Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen
Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Laftagreen
is diiwangeliye Murashax Xil xaaji Cali Maxamed Sh Nur
Murashax Xil xaaji Cali Maxamed Sh Nur

Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha ayaa Soo saaray Jadwal Howleedka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Kulan ay isugu yimadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha oo shir gudoominayey Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxa ay soo saaren jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo shuruudaha laga rabo Murashixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha.

Sida ku cad jaantuska hoos ku Xusan:

waa jadwalka doorashada guddomiyaha
jadwalka doorashada guddomiyaha
© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya