Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Muqdisho:Waxaa Maanta Bilowday Hadal-jeedinta Murashixiinta U taagan Qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulanka ay isugu imaadeen Mudnayaasha Golaha Shacabka uu shir gudoominayey Sii hayaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey ayaa waxay qudbadahooda Musharaxnimo ka hor-jeediyeen  Xildhibaanada Golaha Shacabka  Lix Musharax oo ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka  waxayna kala ahaayeen:

  1. Ibrahim Issac Yarow
  2. Ali Sheikh Mohamed Nur
  3. Prof. Salim Alio Ibrow.
  4. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagreen
  5. Sheikh Aden Mohamed Nur Madoobe
  6. Idiris Abdi Taktar

Intaas kadib kulanka waxaa soo xiray Sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha waxaana loo balamay in maalinimada beri ah ay khudbadahooda ka horjeedin doonaan murashixiinta haray.

Waa Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Laftagreen
Murashax Xil Cabdicasiis Xasan Laftagreen
waa murashax xil Xaaji Cali Sh Maxamed Nuur
murashax xil Xaaji Cali Sh Maxamed Nuur
Waa Murashax Xil Sh Aadan Madoobe
Murashax Xil Sh Aadan Madoobe
Waa Murashax Xil saalim Caliyow Ibrow
Murashax Xil saalim Caliyow Ibrow
waa Musharax Xil Idris Cabdi Taqtar
Musharax Xil Idris Cabdi Taqtar
Waa Murashax xil Ibrahim Isaaq Yarow
Murashax xil Ibrahim Isaaq Yarow

Muqdisho:

Waxaa Maanta Lasoo Gabagabeeyey Hadal-Jeedinta Murashaxiinta U Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Kulanka ay isugu imaadeen Mudnayaasha Golaha Shacabka uu shir gudoominayey Sii hayaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey ayaa waxaa looga dhageystay Aragti siyaasadeedkooda shan ka mid ah Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxayna kala ahaayeen:

  1. Sharif Sheik Maye
  2. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman
  3. Sharif Mohamed Abdalla Hussein
  4. Mohamud Moalim Yahya
  5. Iman Abdullahi Ali

Isniinta soo socoto ayaa la filayaa ay taariikhdu ku beegantahay 30-04-2018 ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka iyadoo ay u taagan_yihiin 11 Musharax.  

Waa Murashax Xil Iiimaan

   Murashax Xil Iimaan

waa Murasha Xil Maxamuud Macalin yaxye
Murashax xil Maxamuud Macalin
Murashax xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax xil Sharif Maxamed Cabdalla
Murashax xil Sharif Sheekhuna
Murashax xil Sharif Sheekhuna
Murashax xil Maxamed Mursal
Murashax xil Maxamed Mursal

 

Muqdisho:Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa doortay Guddoonkooda Cusub. Kulankii ugu horeeyey ay isku imaadeen Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay kasoo qeybgaleen sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibrahim Sh.Muudeey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Intaas kadib waxaa la guda galay codeynta guddoonka waxaana loo doortay xubnaha soo socdo: Guddoomiyaha Guddiga Xil.Nuur Iidow Beyle sidoo kale waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xil. Sahro Cabdulqaadir Cabduraxmaan Xoghaya guddigana waxaa loo doortay Xil. Xasan Cali Maxamed (Amardambe). Intaas kadib kulankii waxaa soo xiray sii hayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wuxuuna kula dardaarmay Xubnaha Guddiga iyo Guddoonkooda inay dardargeliyaan Howlaha Horyaala.

Muqdisho:

Kulankii mudanaaysha Golaha Shacabka ay Maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha ayaa Goordhow lasoo Gaba-gabeeyay

Mudanayaasha Golaha Shacabka JFS ayaa maanta waxay kulan iskugu yimaadeen xarunta Golaha Shacabka , kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacbka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Mudane Cabdi Wali Ibraahim Sheekh Muudey

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa:

  1. Dhaarin Xildhibaan Cabdullahi faarax Wehliye
  2. Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaah Shacabka

Guddoomiye Muudey ayaa ku dhaawaqay Xubanaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacbka, Intaas kadib waxaa Magacyada Xubnaha Guddiga Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhriyay Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Golaha Shacabka  wuxuuna kula dardaarmay Guddiga in ay howshooda kusoo gabagabeeyaan mudada u harsan ee Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka uu xeeriyey.

Waxaana kulanka  soo xiray ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigenka 1-aad Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.

Xafiiska Warfaafinta Golaah Shacabka.

waa warqada Xubnaha Guddiga Doorashada GSH
Xubnaha Guddiga Doorashada GSH

Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka JFS oo uu wehliyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa Maanta kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dawlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdi Xassan Cawaale Qeyb-diid oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay ayaa sheegay Muhiimada Guddiga ay u leedahay Kulamada Noocaan oo kale ah. Guddoomiye qeybdiid ayaa ka qeybgalyaasha kulanka kula dardaarmay in ay talo iyo tusaale ku yeeshaan Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka. Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Masuuliyiin dhowr ah oo kulanka ka qeybagalaya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar. Ugu danbayntii Guddiga Dastuurka ayaa inta uu joogo Magaalada Jowhar ayaa waxa uu kulamo la yeelan doono Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada

 

Qodobka 60aad ee xeer hoosaadka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu sheegayaa, Si loo helo warbixino la xiriira arrinta guddigu ka doodayo, guddigu waxaa uu qaban karaa kulamo furan oo ay dhageysanayaan khabiiro, wakiillo ka socda ururarada bulshada rayid ka ah, iyo shaqsiyaad kale ee keeni kara warbixino Muhiim ah.

Sidaas darteed Guddiga Xaquul insaanka, Haweenka & Arimaha bani’aadamka ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la yeeshay kulan dhageysi Dadweyne ah qeybaha kala duwan ee Ururka Naaafada Soomaaliyeed si uu u helo warbixino, taalooyin iyo baahida ay qabaan dadka naafada ah.

  1. Xubnaha Guddiga Xuquuqul insaaanka: furitaankii kulanka dhageysiga dadweynaha.

 Mawduuca Dhegeysiga

Saacadu markii ahayd 11:00AM, kualanka waxa furay Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul insanka,Haweenka & Arimaha bani’aadamka ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaana ka hadlay dhamaan qeybaha kala duwan ee Ururka Naafada Soomaliya. Cali Cabdullaahi Salaada ayaa ku hadlay magaca Golaha Naafada Soomaaliya waxa usoo jeediayay in la helo sharci u gaar ah Ururka Naafada Soomaaliyeed iyo in aan helno xaquuqo dadka naafada Soomaliya dhinaca shaqada,waxbarshada.siyaasada,iyo wado marista oo ay dhib badan ku qabaan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Avv.Cabdifitaax Maxamed Daahir oo ka mid Mu,asasada Daryeelka Naafada waxa uu sheegay in dadka naafada ay yihiin dad wax bartay lehna xuquuq iyo waajibaad lamid ah muwaadiniin kale sida ay xaq ugu leeyihiin shaqo, waxbarasho iyo ka qeyb galka siyaasadda dalka

Soo jeedinta Ururka Naafada Soomaaliyeed:
 In lagu daro Dastuurka Federaal Soomaaliya Qodobo si cad u tilmaamaya xaquuqda ay leeyihiin dadka naafada ee Soomaaliyeed.Ø

  •  In aan helno waxbarasho leh iyo ku hanboonaan dadka leh baahiyha gaarka ah.
  •  In aan helno shaqada dowladda ay tixgalin siiso fursadaha ay ku heli karaan shaqo dadka leh baahiyaha gaar ah
  •  In aan ka qeybgalno Siyaasadda iyo shaqada Hay,adaha Dowladda.
  •  In aan helno matalaad Gudiyadda madaxabanaan ee Dastuuriga ah iyo sidoo kale Guddiyada dib u eegista Dasruurka.
  •  wado marista oo ay dhib badan ku qabno waa in la hagajiyo.
  •  Iyo in la helo Sharci u gaar ah Dad naafada Soomaaliyeed iyo Ururada Naafada Somaaliyeed

 Natiijooyinka

  1.  In kulamada noocan ah la badiyo.
  2.  In Guddiga Xaquuqul Insaanka kula xisaabtamo hay’ddaha shaqada ku leh aarimaha naafada si ay dadka naafada ha xuqquuqdoo u heli la hayeen.
  3.  In Guddiga xaquuqul insaanka xooga saaro sidii qoddobo si cad u sheegayØa xuquuqda naafada lagu daro dastuurka somaaliya.
  4. In guddiga xuquuqul insaanka curiyo hindise sharciyeed lagu abuurayo hay’adda naafada somaaliyeed si aan u helo sharci iyo hay’ad aan leennahay kulana xisaabtamikaro xukuumadda
Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka
Xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka
Dhageysi dadweyne ee Guddiga Xuquuqul insaanka
Dhageysi  Dadweyne ee Guddigaa
Guddoomiyaha Guddiga
Guddoomiyaha Guddiga

 

Mashruuca Dhismaha cusub ee Guriga Umadda Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkey

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sh.cismaan Jawaari ayaa Maanta la kulmay Howlwadeenada Golaha Shacabka JFS.

Kulan siwayn loo soo Agaasimay islamarkaana ay goobjoog ahaayeen inta badan howlwadeenada golaha shacabka ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka ayaa ugu horeyntii waxaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari,Guddoomiye Jawaari ayaa ku dheeraday Muhiimada Howlwadeenada ay u leeyihiin habsami u socodsiinta howsha baaxada wayn ee Golaha waxa uuna sheegay in ay laf dhabar u yihiin shaqada golaha shacabka waxa uuna uga mahadceliyay howsha baaxada wayn oo ay hayaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid Howlwadeenada Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha uga Mahadceliyay Kulankaan Muhiimka ah oo uu Maanta la qaatay Shaqaala Golaha Shacabka waxa ayna uga Mahadceliyeen Maamulka Wanaagsan uu ku hogaaminayo Habsami u socodsiinta Howsha Golaha Shacabka.

 

Xafladaan  sida  heerka sare loo soo agaasimay ujeedkeedana ahaa furitaanka Klafadhig 3-aad ee Golaha Shacabka  ayaa waxaa ka soo qayb galay Mas,uuliyiin,Martisharaf,Danjirayaasha Soomaaliya u Fadhiya Caalamka iyo Guddoomiyayaasha wakiiilada Dowlad goboleedyada ayaa ka dhacday Xarunta Gen kaahiye ee Ex iskool buluusiya.

Waxaa amaan u jeediyay Marti sharafta kasoo qeyb galay xaflada furitaanka Guddoomiyaha Golha Shacabka Mudane Maxamed Sh.Cismaan Jawaari, asagoona sidoo kale ka war bixiyay marxaladihii kal duwanaaa ee uu soo maraya labadii kalfadhi ee ka horeeyay isagoona sheegay in wax badan u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaa uu si doo kale carabka ku adkeeyay in Mudaaaasha labada Gole ay mar walba ka dhaxeyso wada shaqeyn loona baahnayhay in halkaas laga sii wado wadashaqeyntaas.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u Furay kalfadhiga 3-aad Baarlamaanka JFS.

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya