Website ka Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaTabinta Toos ka ah

NewsTeam

NewsTeam

Wargelin Muhiim ah.

October 06, 2019

Dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu wargelinayaa in uu Furmayo kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka waxaana loo qorsheeyey in la furo 9ka octobar 2019 oo ku beegan Maalinimo Arbaca ah. 

Sidaas daraadeed waxaa dhamaan xildhibaanada Golaha Shacabka laga codsanayaa in ay dalka ku soo galaan  ugu dambeyn 7da octobar  2019 diyaarna u noqdaan xil-gudashada  uga beegan kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

 

Guddiga Kmg Ee  Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka Ayaa Maanta Xarunta Guddoonka Iyo Guddiyadda Ee Villa Hargeysa Kulan Kula Yeeshay Haweenka Labada Aqal Ee Bjfs.

Kulankan Oo Ay Ka Qeybgalayn Dhamaan Xubnaha Guddiga Ayaa Waxaa Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cabdullahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab).

Ugu Horeyntii Guddoomiyaha Guddiga ayaa Soo Dhaweeyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Soo dhawayn kadib

Xildhibaanada Haweenka Ah Ee Labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadalka qaatay ayaa Guddiga uga Mahadceliyay Casuumaada ay u fidiyeen

Xildhibaanada Haweenka Labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu Danbayntii Xildhibaanada labada Aqal Ayaa Guddiga Ugudbiyey Talooyinkooda Ku Aaddan Sharciga Doorashooyinka Qaranka. 

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa Maanta Magacabay Guddi ku-meelgaar ah oo ka shaqayndoona soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddigaan oo ka kooban 15-xubnood oo Dhamaantood ah Xildhibaano ayaa Soo diyaarindoona Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Si Waafaqsan Qodobka 33-aad farqadiisa 5-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal sh.Abdirahman Oo Uu Wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka 1-Aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-Weli Ibraahim Sh.Mudeey Ayaa La Kulmay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Mudane Jamal Hassan Mohamed Iyo Masuuliyiin La Socday,Kulanka Ayaa Ka Dhacay Xafiiks Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sh.Abdirahman.

 

Ugu Horeyntii Kulanka Ayaa Warbixin La Xiriirta Qorshaha Qaranka  Looga Dhagaystay Wasiirka Iyo Masuuliyiintii La Socday.

Intaasi Kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mohamed Mursal Sh. Abdirahman Oo Kulanka Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Soo Dhaweynayaan Howsha Baaxada Leh Oo Ay Wado Wasaarada Waxa Uuna Sheegay Ka Gole Ahaan Ay Bogaadinayaan Howsha Wasaarada ee Laxiraarta Qorshaha Qaranka .

مقديشو_ الصومال
 
مجلس الشعب الفدرالي الصومالي
 
رئيس مجلس الشعب الفدرالي يلتقي مع وزير التخطيط للحكومة الصومالية. 
 
التقى رئيس مجلس الشعب  شيخ عبد الرحمن  ونائبه السيد عبد الولي إبراهيم مودي اليوم وزير التخطيط للحكومة الفدرالية السيد جمال محمد حسن وأعضاء آخرون من الوزارة للإطلاع على سير العمل في الوزارة.
 
واستمع الرئيس ونائبه إلى تقرير عن جهود الوزارة في رسم خطط مستقبلية للحكومة الفدرالية الصومالية،  مما يساعد على تحسين الأوضاع التنموية في البلاد.
 
من جانبه، أشار الوزير إلى اللقاءات والجهود التي بذلت الوزارة في هذا الإطار وماتحقق على صعيد الإستشارات التي أجرتها الوزارة مع كافة شرائح المجتمع، حول الخطط التي تم رسمها من قبل الوزارة، معبرا عن تقديره لإهتمام رئيس مجلس الشعب الفدرالي الصومالي

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa maanta yeelanaya Kulankooda 26aad kalfadhiga 5aad Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ah  

  • Akhinta 1aad ee hindise sharciyeedka Baabuurta Xamuulka iyo xeerka Wadooyinka.
  • Akhrinta 2aad wax ka badalka Sharciga Duulista Rayidka.

 

Lasoca kulanka waxa kasoo baxa

 

Waaxda Warfaafinta Golaha Shacabka BJFS     

Muqdisho-Somalia

Golaha shacabka BJFS  Tr:12-07-2019  

Raad-raaca Kulamada Golaha Shacabka.

 

Maalintii Sabtida ahayd oo ay Taariikhdu ku beegnayd 06.07.2019 Xildhibaanada Golaha ayaa yeeshay kulankooda 23aad ee kalfadhiga 5aad Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1aad ee wax ka badalka Sharciga Shaqaalaha Rayidka iyo Warbixinta Baarlamaanka Carabta.

 

Ugu horeyntii Xildhibaan Mohamed Omar Dalxa oo ka mid ah Guddiga Baarlamanka Soomaaliya u qaabishan Baarlamaanka Carabta ayaa kulanka ka jeediyay warbixin dhinacyo badan taabanayso, Waxa uuna sheegay in Golaha loo dhanyahay ee baarlamaanka Carbta ay Canbaareeyeen Damaca Guracan ee Dowlada keynya ka leedahay Badda Soomaaliya kadib marka uu xil.Dalxa Akhriyay warbixinta ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay Guud ahaan Golaha.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa u yeeray   Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa si uu  Golaha uga hor jeediyo Akhrinta 1aad   Sharciga Shaqaalaha Rayidka.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa kulanka soo xiray

 

Maalintii isniinta ahayd oo ay Taariikhdu ku beegnayd 08.07.2019 Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa yeeshay kulankooda Caadiga ah  ee 24aad kalfadhiga 5aad Golaha Shacabka Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Wax ka badalka Xeerka Saxaafadda Qaranka.

 

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Khalid Maow ayaa xildhibaanada u sharaxay Xeerkan iyo marxaladaha uu soo maray waxa uuna ka codsaday in ay meelmariyaan Akhrinta 3aad ka dib waxa uuna u yeeray Xoghayaha Guddiga Xildhibaan jabril Abdirashid Haji Abdi si uu u Akhriyo qodobada ay wax ka Badaleen, Kadib Akhirinta 3aad ee uu Sameeyay Xogahayaha Guddiga, ayuu Xildhibanada Ka codsaday in ay meelmariyaan Sharcigaan.

Intaasi ka dib Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa Cod u qaaday Xeerka 139xildhibaan ayaa ogol ugu codeeyay wax diiday ma jirin Hal xidhibaan ayaa ka Aamusay.

 

Ugu danbayntii Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi-wali Ibraahim Sheikh Muudeey ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta waxa uuna sheegay xeerka in la Meelmariyay  loona gudbinayo Aqalka Sare si waajibkooda u gutaan,intaasi kadib kulanka Guud ee Golaha ayaa sidaasi kusoo xirmay.

 

Maalinimadii Arbacada oo ay Tr ahayd 10-july-2019 Golaha waxa uu yeeshay kulankiisa 25aad ee kalfadhiga 5aad Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Xisaab xirka Miisaaniyadda 2017,  Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ,warbixinta Guddii Xaqiiqo raadinta ee Gaalkacyo iyo Qeybinta Heshiiska Kamid noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga darafyada badan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Abdirahmaan oo kulanka Gudoominayay Ayaa xildhibaanda ka codsaday in ay Ansixiyaan Ajandaha kulanka xildhibanada ayaa cod wada ogol ah ku ogolaaday Ajandaha kulanka.

Guddoomiyaha ayaa u yeeray Xildhibaan Maxamed Soomaali oo ahaa Xubin ka mid ah Guddiga isla markaana ahaa Xoghayaha Guddiga Xaqiiqo raadinta waxa uuna ka hadlay kulamo ay la yeesheen Ehelada dadkii lagu laayay Magaalada Gaalkacyo iyo Maamulka Magaaladasi oo ay aad uga Mahadceliyeen sida ay ula shaqayeen una soo dhawaayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa sheegay in warbixinta ay tahay mid wanaagsan isla markaana ay Golaha kasoo saari doonaan Qaraar.

Intaasi ka dib Guddoomiyaha Guddiga  Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Siraaji ayaa Golaha ka hor Akhriyay Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017, kadib Akhrinta Guddoomiyaha Guddiga ayay Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dhiibtayn Aragtidooda la xiriirta Xisaab xirka.  

 

Ugu danbayntii Guddoomiyhaa Golaha Shacabka ayaa u yeeray Guddoomiyha Guddiga Gaadiidka Xildhibaan Abdifatah Ismail Dahir ayaa hadal kooban ka dib u yeeray Xoghayaha Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Farxiyo Muumin si ay  Akhrita 2aad u marsiiso Hindise Sharciyeedka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh Abdirahman  ayaa ugu danbayntii Soo xiray kulanka 25aad ee kalfadhiga 5aad.

  

 

 

 

Waaxda Warfaafinta Golaha Shacabka

Media and Communication Department

 

Mudanayaasha Golaha Shacabka  BJFS ayaa maanta leh kulankooda 25-aad ee kalfadhiga 5-aad Golaha Shacabka 

kulanka maanta ayaa Ajandihiisu yahay Akhrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka Duulista Rayidka iyo Saasdasha Hawada Sidoo kale Xildhibaanada Ayaa  Akhrinta 3-aadMarsiinaya  Xisaabxirka Miisaaniyadda 2017  

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha shacabka ee soomaaliya ayaa maanta Gaaray Magaalada xudur ee Xarunta gobolka bakool.

Wafdiga gudoomiyaha Golaha shacabka BJF soomaaliya Amb Mohamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa waxaa Ku wehlinaya xilibaano , wasiiro katirsan xukuumadda iyo saraakiil waxaana garoonka Ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo mas'uuliyiin kale.

Gudoomiyaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaradaha degmada xudur waxaa uu dadkii soo dhaweeyaya uu uga mahad celiyay sida gacaltooyada ah ee ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta balaaran ee ay usameeyeen shacabka degmada xudur

Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxaa uu dhagax dhigay dhismooyin cusub oo degmada ah halka kuwa kalena uu xarigga ka jaray , waxaana kamid xarumaha uu dhagax dhigay

1-Xaruunta Hay'adda Socdaalka Iyo Jinsiyada 
Iyo 2-Airporka Degmada Xudur

Sidoo kale waxaa goobaha xarigga uu kajaray gudoomiyaha Golaha shacabka ay ahaayeen

1-Iskuulka Hoose Iyo Dhexe ee Xudur iyo 
2-Xaruunta Degmada Xudur

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Ku suganyihiin xarunta maamulka bakool ee xudur waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa mas'uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada xudur waxaana safarkaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee gudoomiyahu Ku tago Xudur tan iyo markii uu Ku Guuleysatay doorashadii Xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJF soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS 
Mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdi-raxmaan ayaa dhagax dhigay dhismaha Xaafiiska Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee degmada Xudur ee gobolka Bakool ka dib Markii uu Maanta halkaasi gaaray.

 

Image may contain: 2 people, people standing and suit

 Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit, wedding and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, hat and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

Image may contain: 6 people, people standing, wedding, suit and outdoor

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 8 people, people standing and suit

Image may contain: one or more people, people standing, suit, wedding and outdoor

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Image may contain: 10 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

 

© 2018 Golaha Shacabka,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya